Xukuumadda KULMIYE Oo Mar Kale Xabsiga Dhigtay Sheekh Aaden-Sunne

Hargeysa (Raacdo.com) Xukuumadda Ku Jirta Wakhtiga Kala Guurka Ee Kulmiye Ayaa caawa Mar kale cudud Ciidan oo culus ku weerartay sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne).

Dhawaaqa Rasaasta ay ridayeen Ciidamada RRU-da ee Gurigiisa kala Baxay Sheekh Aadan Sunne ayaa hurdada ka kicisay inta ka ag dhaweyd guriga sheekh Aadan oo ku yaala degmadda Axmed Dhagax.

Baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa la isku weydaarsanayaa dhaleecaynta hawl galka foosha xun ee gurigiisa lagaga saaray Sheekha.

In kasta oo dhawr bilood uun ka hor xabsiga laga soo daayay, hadana waxa loo badinayaa in xabsigiisu uu salka ku hayo ka dib markii uu cambaareeyay wadaado si xaq-darro ah hargeysa looga raafay lagana buuxiyey xabsiyada Hargeysa.

Sheekh Aadan Sunne ayaa jimcihii lasoo dhaafay oo ay ku beegneed Maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa wuxuu jeediyay khudbad qiima badan oo uu uga hadlayay tacadiyada kajira xabsiyada magaalada Hargeysa iyo dhibaatada ay dadka muslimiinta ah ku hayaan ciidamada RRU-da.

Sidoo kale Sheekh Aadan ayaa kaalin weyn ka qaadanayay reebista munkarka iyo farista macruufka wuxuuna sheekhu caan ku ahaa Jeedinta muxaadarooyin diini ah oo waaqica ka hadlaya, bil ka hor markii Kaniisad laga furay magaalada Hargeysa Sheekhu wuxuu kamid ahaa culimadii ka dhiidhiday xumaantaas islamarkaana maamulka ‘Somaliland’ ku cadaadiyay in uu albaabada isugu laabo Kaniisaddaasi.




One thought on “Xukuumadda KULMIYE Oo Mar Kale Xabsiga Dhigtay Sheekh Aaden-Sunne

  1. Ibnu taymiyya

    Sheekh waxaan leeyahay doorkii dacawada aad ku lahayd waad qaadatay,kuna sabir wixii dhib kugugu soo gaadha ,
    ummadda reer Hargysana waxaan leeyahay diinta ilaalinteed cidwalba xil wuu ka saaran yahay,ee yaan culimada uun lagu eegin ee diinta ha la ilaaliyo

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *