Somaliland: Xukumadda Oo Dejisay Hubkii Saarnaa Markabka Berbera Lagu Qabtay

Xukumadda Somaliland,ayaa go’aansatay inay dejiso Hubka saaran Markabka magaciisu yahay MV Shakir ee 24-kii bishii hore lagu qabtay Berbera.Xogaha laga helayo markabkaasi ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay goor dambe la dejiyay hubkaasi kadib markii baadhis muddo qaadatay la waayay cid si rasmi ah u sheegatay lahaanshaha iyo sharciyada markabkaasi.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay go’aanka lagu rogay hubkan, balse Xukumadda ayaa laga filayaa inay caddayso mawqifkeeda iyo xogaha ay heshay ee Markabkan ku saabsan, maadaama ay muddo baadhis ku waday.

Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Warancadde,ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Berbera,waxaana la sheegay inuu goob joog ka ahaa rogista Hubka saaran Markabkan.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa dhawaan sheegay inaan Markabkan iyo Hubkiisaba la sii dayn doonin balse la marin doono Shuruucda Baddaha,isagoo u badinayay in lala wareegi doono.

Maamulka Puntland ayaa hore ugu qayliyay in hubkaasi Somaliland la wareegayso islamarkaana amaankooda khatar ku yahay, haseyeeshee Somaliland ayaa sheegtay in hubkan loo bandhigayo cida ay khusayso ee Caalamiga ah.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *