Xoogagga Dawladda Islaamiga Oo La Wareegey Magaalada Kerawa Ee Dalka Cameron.

Kerawa (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya dalka Nigeria waxay sheegayaan in Mujaahidiinta dawladda Islaamigu ay qabsadeen magaalo lagu magacaabo Kerawa oo ku taalla soohdinta u dhexaysa dalalka Nigeria iyo Cameroon.

Saraakiil u hadashay Xukuumadda dalkaasi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Boqollaal ka tirsan Ciidamada Mujaahidiinta IS oo ku hubeysan gawaadhida dagaalka in magaaladaas ay ka qabsadeen Ciidamo ka tirsan Booliiska iyo kuwa ammaanka oo halkaas ku sugnaa.

Goob-joogayaal magaalada Kerawa ku sugan ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay in gudaha magaalada uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Mujaahiinta IS iyo kuwa Dowladda, iyagoo tilmaamay in khasaare culus la gaadhsiiyay Ciidamadii Dowladda Nigeria taabacsanaa ee magaaladaas ku sugnaa.

Magaalada Kerawa ee Mujaahiinta IS ay la wareegeen ayaa waxay ka tirsan tahay Gobolka Borno ee waqooyi bari dalka Nigeria, iyadoo Mujaahiiintuna ay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay isku sii fidinayeen dhul ballaadhan oo Gobolkaas ka tirsan.

Dowladda Wadanka Cameroon ayaa waxay ka mid tahay dowladaha Ciidamadu ay ka joogaan dalka Nigeria, waxaana ay ka qayb-qaadaneysaa dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta IS ee dalkaas ka soconaya,  iyadoo howl-galkaasna ay sidoo kale qeyb ka yihiin dhowr dowladood oo Afrikaan ah.

Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan ku dhawaaqday in Boqollaal ka tirsan Ciidankeeda ay u direyso dalka Cameroon, waxaana Mareykanku uu sheegay in Ciidamadaasi ay taageeri doonaan dowladaha Afrikaanka ee howl-galka ka wada dalka Nigeria.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *