Xoogag Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Xalay Miray Cidamo Itoobiyaan Ah Oo Ku Sungan Degmada Qansax-dheere.

Muqdisho (Raacdo.com):- Dagaal u dhexeeyey ciidamadda Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ayaa xalay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay kaasi oo khasaare lagu gaadhsiiyay askarta Itoobiya oo fadhiisankoodii lagu weerarey.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey ka dib markii cutubyo ka tirsan xoogagga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmadaasi Qansaxdheere oo ay joogaan ciidamada Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyey isla markaana khasaare lagu gaadhsiiyey ciidanka Itoobiya.

Dadaka deggaanka ayaa dhankooda warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalku uu ahaa mid aad u xoogganaa oo dhawaqa hubka la isku weedaarsanaayey laga maqlay deggaannada ka ag-dhow halka uu dagaalku ka dhacay.

Dagaalkan xalay ka dhacay Qansax-dheere ayaa wxa uu daba socdaa dagaallo shalay ka kala dhacay deggaanada Moora-gaabey, Garasweyne iyo deggaanka Masar oo isna dhaca duleedka Diinsoor oo dhamaan lagu naafeeyey askar ka tirsan ciidanka Itoobiya iyo kuwa Somalida.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *