Xarakada Al-Shabaab Oo Tacsi Ka Diraysa Sheekh Maxamed Ismaaciil Oo Dhawaan Geeriyooday

Muqdisho (Raacdo.com):- Hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabab ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Sheekh Muxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee  Soomaaliya.

Bayaanka oo ku qornaa Luuqadda Carabiga isla markaana ay baahisey Mu’assasada Al-Kataaib garbaka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa Umadda Islaamka loogu tacziyeeyey geeridii ku timi Sheekha oo dhawaan ku dhintey gobolka  Shabeellaha hoose.

“Muwaxidiinta meel waliba oo aad joogtaan, waxaan Nafsadeena, idinka iyo qaraabadaba uga tacziiyeynaynaa geerida caalim ka mid ah Culimada dacwadda iyo Cilmiga iyo faaris ka mid ah farad-fuullada Jihaadka iyo cadaynta Xaqqa ee Soomaaliya, kaas oo ah Sheykhul Waalid ee fadliga badan, Caalimka caamilka ah, Muxamed Ismaaciil Yuuusuf, kaas oo Naftiisa Rabbigiis u dhiibey waaberigii Khamiista oo ku beegneyd 16 muxarram 1437” ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay hogaanka ugu sarreeya ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Bayaanka waxaa lagu soo gudbiyey qayb ka mid ah Taariikhdii uu ka tagay Sheekhu, waxaana lagu sheegey in Sheekhu ahaa Daaci aan la gabban dacwadda, isagoo ka bilaabay dalka inuu dacwadda saxda ah ku faafiyo todobaatameeyadii, inkastoo markii dambe uu ka hijroodey kadib markii dhibaatadu ku badatey, waxaana sideetamaadkii uu kusoo noqdey dalka, isagoo halkaas ka bilaabay dacwadda iyo Jihaadka oo isla socoda, waxaana Sheekhu sida Bayaanka lagu sheegey uu qeyb ka ahaa dagaalladii jihaadka ee ka dhacay Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo la jihaaday dad qaraabo ahaayeen balse diinta Islaamka kasoo hor-jeestey oo uu ka mid ahaa Cabdullaahi Yuusuf, waa sida bayaanka lagu yidhiye.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in waxyaabaha Sheekhu uu fadliga ku lahaa isla markaana lagu xusuusan doono ayaa waxaa ka mid ah in Muhaajiriintii Jihaadka u timid Soomaliya uu wax waliba u hurey, isagoo ka ilaaliyey wixii Nafsadiisa iyo ehelkiisa uu ka ilaalin lahaa, iyadoo la ogyahay dhibaatada xilligaas wadanka ka jirtey, waxaana bayaanka lagu sheegey in Hoganka Mujaahidiintu ay sheekha la tashan jireen maadaama uu Allah u kulmiyey Cilmi sharci ah, mid maadi ah, iyo khibrad dhanka Jihaadka ah taas oo ay yar tahay cid ay intaasi ku kulanto.

Bayaanka waxaa hal-kudheg u ahaa Xadiiskii Nabiga Scw laga wariyey ee ahaa “Dadka waxaa ugu khayr badan qofkii cimrigiisu dheeraado, Camalkiisuna wanaagsadnaado”.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *