Xadhiga Gama’diid Waa Xiniinyataabashada Halgamayaasha Sebankan W/Q: Maxamed C/risaaq Saciid “Samiik”

Waxa aan ku bilaabahayaa magaca Allaah; Allahaas oo ay u sugnaatay naxariista guud iyo naxariista gaar. Ilaahayow adiga ayay kuu sugnaatay mahad badan, waxan eegga iyo marar kale ba ahaan doonaa addoon kaaga mahad celiya nimcooyinka badan ee giddi wada qaaliga ah, ee aad igu galladaysatay. Aniga oo aan wada tirin karin, isla mar kaanna intaan xusuusto halkan ku wada qori karin; ugu horrayn, Eebbow, waxa aan kaaga mahad celinayaa nimcada abuurka, nimcada aadannimada, nimcada nolosha, nimcada islaamka iyo iimaanka, nimcada caqliga, nimcada xifdiga iyo fahamka, nimcada awoodaha tiro beelka ah ee aad igu deeqday iyo dhammaan nimcooyinkaaga Rabbiyow, isugu jira kuwo aan garan ilaayo aminka iyo kuwo aan gartay ba. Kulligood waan kaaga mahadin. Waxa aan qirayaa Alle xaq lagu caabudo in uu jirin Allaha weyn mooyaan e’– waxaa igu filan Ilaahay; Ilaah ma jiro xaq lagu caabudo isaga mooye, isagaan talo saartay, isagu na waa Rabbiga carshiga weyn– waxa aan qirayaa in nabi Maxamed NNKH yahay addoonkaagii iyo ergaygaagii– Allow naxariis iyo nabadgalyo, nabigaaga Maxamed NNKH korkiisa yeel. Bulshooy, waxa aad markhaati ka ahaataan: in aan Ilaahay raalli uga ahay Rabbinnimo; islaamkana raalli uga ahay diinta xaqqa ah, ee in la isku dhaqaa waajib tahay; iyo in Maxamed NNKH raalli uga ahay nabi xaq ah oo Eebbe u soo diray dunida in uu hanuuniyo yahay.      

 Xadhiga Gama’diid Waa Xiniinyataabashada Halgamayaasha Sebankan           

  •  “Gumaystuhu halaaguu na baday bixisaduu gaystay
  •   Boqno goynta gaaladu wadiyo bili la’aanteena
  •   Dhulkeenaa la baayacay baddoo hore ba loo boobay
  •   Baxsanow dalkeennii warmahan beerka kaga taagan
  •   Baradaad is taagta ba dhulkaa cadawgu boobaayo
  •   Nin buruudli waa yaabanyiyo kii baraad lihiye
  •   Waa waxa bukaanka iga dhigay ciilkan biirsamaye.”

   Gabyaa: Nageeye Cali Khaliif

Mar na ba iyo sinna ba, caqliga iyo garaadka qofka Soomaaliga ahi ma aqbali karo gumaysiga iyo is addoonsiga jaad wal ba oo uu yahay. Taasi waa aragtida qofka Soomaaliyeed. Sida la og yahay na waa aragtidii gumaysiyadii Giriigga, Roomaanka iyo reer Yurub bartay Soomaalidu in ay la mid ahayn, ummado ka horreeyay oo ilbaxnimadoodii iyo ummadnimadoodii si toos ah loo lumiyay. Isla jeerkaa waa maaddadii ay Soomaalidu ahaanshaheeda in ay ku difaaceen ka sakow, halgan dheer oo dhiiig, dheecaan iyo dhidid loo huray soo gaadhsiisay hanashada iyo hantiyidda dawladnimo la aqoonsan yahay, oo quruumaha dunida ee la yaqaanno ka mid ah. Gardarrada, gaboodfallada iyo gefafka ka yimaadda ajaaniibta, Soomaalidu kol wal ba waxa ay ka lahaan jirtay aragti guud oo xoog u la dirirkeeda iyo libin ka dib ku digashadeeda agteeda dhaqan ka ahayd.

Tan iyo qarnigii sagaal iyo tobnaad bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku jirtay gumaysi ama waa la gumaysanayay. Si kasta oo noocyada, midabbada, farsamooyinka, aaladaha, danaha, qorshayaasha, ujeeddooyinka iyo fikir siyaasadeedka gumaystayaasha dawladaha reer Yurub iyo jaallayaashood u kala duwanayeen, hadda na, waxa ay lahaayeen aragti qudha oo ahayd: beddelidda ummadda iyo burburinta qarankeeda. Xaqiiqo taa barbar taal ayaa iyadu na ah: Soomaalidu mar na ba in ay is dhiibin, horay iyo haatan ba. Geeri iyo nolol ayaa ay ka xigaan qarannimadooda iyo qowmiyaddooda in lagu daro diiwaanka madow ee bulshooyinkii iyo ilbaxnimooyinkoodii laga takhallusay, ee badweynta dhimatay lagu xabaal duugay lagu kaydiyo. Itaal meel uu geeyo ba, weligeed iyo wakhtigakan ba la ma waayin geyllamayaal aad u geesi ah, oo geed dheer iyo geed gaaban ba u fuula sugidda iyo hubaalaynta himilooyinka iyo higsiyada uu reerkani lee yahay. Hadda ba, gabyaa Cabdiwaaxid Cali Gama’diid raggaas ayaa uu ku jiraa; sidoo kale, waa foolaadka gabay tiriyayaasha sebankan ummaddan nolosha dullinnimada, darxumada iyo dacdarradu ku wada dhan yihiin qaayibay u maansooda.

Had iyo jeer, haddii aynnu ku laabanno hab dhaqanka gumaysiyadii dunida ka hirgalay iyo sidii ay u la dhaqmeen qowmamkii ay dulsaarka ku ahaayeen, muddo dabadeed na dabada u rogay, waxa ay ay mariyeen cadaabbo kala heerrar ah, oo midi ba midi ka xanuun badan tahay kana geeri weyn tahay. Si ba sida ay sida hore uga saamayn badan tahay uga na guul dhow dahay ayaa ay u kala dooranayeen. Si gaar ah, haddii aynnu eegno sidii ay u la macaamili jireen haldoorka bulshada ee runnimadooda si weyn u fahamsan, waxa ay kala dooransiin jireen labo arrimood: wixii uu doono oo adduunyo sheegashadeeda iyo, ka tegidda dalka taa beddelkeeda. Labada ba haddii uu ganafka ku dhufto waxa ay, si jeesjeesnimo ah jeebkooda uga doori jireen labo kale: in la la dagaallamo oo la dilo iyo in la xabbiso oo jeel inta nafta yar ee ku jirtaa ka xijaabanayso sharkiisa laga ga amaan galo. Saamayntiisa qofnimo iyo filashada waxa ka soo socda ayaa labadaas, inta badan kala xulashadooda sabab u ahayd. Dhaqan ahaanna, sooyaalka dunida haddii akhris guud lagu sameeyo, waa hab dhaqanka lagu la dagaallami jiray sidayaasha xaqqa ee naftooda ka saxeexay xambaaridda iyo dhaqangelinta aragtiyada iyo mabaadiida ummaddooda danta u ah, ee hadh iyo habeen taas suuragelinteeda xaalad yowmalqiyaame ah ku noolaa. Eegga iyo sebankan, oo Soomaalida jeerkii labaad ee gumaysigu u bilaabmay, qof wal ba oo mabaadiida iyo danaha cadowga shacabkan dharbaaxo ragannimeed aayo wanaagsan leh ku qaabbila, waxa uu sugaa waa waxa gumaysi weligii dhaqan u ahayd.

Ummadi ma kacdoonto haddii aysan baraarugin. Dhiganayaasha taariikhda ka faalooda ayaa si aqoonaysan odhaahdaa dhabtii u faaqida. Sababta nin doorka loo cadaabayo waa baqashada gumaysigu ka qabo bulshada uu cabsida ku abuuray kuna addoonsaday in laga saaro, oo aragtideedii, garashadeedii iyo damiirka bani’aadannimo dib loo soo nooleeyo; rejo iyo hididdiilo weyn lagu abuuro, oo xaaladda lagu jiro tu aan la aqbali karin oo in laga baxaa waajib tahay quluubtooda sida roobka loogu rusheeyo. Halkaas ayaa uu, run ahaantii, baraaruga shacab kacdoon geliyaa ka bilowdaa. Hadalkooda, waxa uu si qiyaas ahaan u ekaadaa, waxyi ummadda ku soo degay oo ahaanshahooda cusboonaysiiya. Markaas ayaa ay ummaddu xoolaheeda iyo xiniinyaheeda hurtaa kuna gobannimo raadsataa. Hadda ba, si kasta oo Soomaalida dagaallo wejiyo badan ah lagu hayo kama ay dhammaan indheergaradkii iftiinka iyo garashada u ahaa. Iyagu na kama badbaadayaan qaniinyada sumaysan ee dilaaga weyn. Gama’diid waxa uu ka mid yahay, isaga iyo in badan oo la garaad ahi, shakhsiyaadka suntaasi haleeshay ee u bukaan jiifa; dadkoodu na la dareensanayn sababta loo sumeeyay. Sidoo kale sababta halgamaa loo xanuujiyo waa in jaallayaashiisa la dareen kiciyo si loo ogaado tirada iyo heerka fikirka, oo lagu khasbo samaynta gadood aan mabaadiidooda ruuxiga taageero ka helayn. Taasi na waxa ay xagaldaacin weyn ku noqotaa tayada kacaanka iyo ku socodka dhabbaha guusha-gobbanimada.

Cabdiwaaxid Cali Gama’diid waa gabyaa Sooomaaliyeed oo muslim ah. Gabayaagu waxa uu ku dhashay magaalada Rabasa oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu gumaysato, sanadkii 1982. Isla deegaankaa ayaa uu ku barbaaray oo muddo ku dhaqnaa nolosha miyiga. Dabadeed waxa uu u soo wareegay oo barnaamijka xidid u siibka aqoon darrada iyo xoolaynta maanka ka bilaabay Hargeysa, oo uu ilaa iyo aminka ku nool yahay.  Suugaantiisu waa suugaan hiddeed, ama si kale haddii aan u dhaho waa suugaan hidde-hibeed; in kasta oo uu ka soo jeedo qoys gabayga ku caan ah oo gabyaannimadiisu hidde tahay, hadda na qiimaynta gabaygiisu waa mid u dhigan qaab hibeed cuddoon. Waxa uu ka mid yahay maanso yahannada sebankan ummadda u maansooda, kuwooda ugu wanaagsan, foolaadda ah, ee murtidii iyo hab u gabaygii aadka u heer sarreeyay dib u soo nooleeyay. Gaar ahaan Gama’diid, waxa uu i geliyay rejo aad u weyn; aniga oo aaminsanaa godkii gabayga ee liicay sidii hore ku soo noqoshadiisa in ay adag tahay, ayaa uu cindigayga si xooggan ugu jalbeebay odhaah rejeed ah: godkii gabayga waa uu soo noqon doonaa; weli ba aniga ayaa ka mid ah ragga u taagan soo noolayntiisa iyo sare u qaadiddiisa.

2014kii ka hor, magaciisa iyo maansooyinkiisa i ma ay soo gaadhin. Markii ugu horraysay ee aan magaciisa maqlo maansooyinkiisu na dhegahaygu dhegaystaan, aad u dhuuxaan, oo lafaguraan waxa ay ahayd sanadkaas, dabayaaqadiisii. Xilligaas oo aan ku sugnaa magaalada Hargeysa, imaam na ka ahaa mid ka mid ah masaajiddada magaalada ayaa wiil jaallahay ah warkan ii sheegay, iyada oo dhacdadii ka dhacday Westigayt maalmahaa aad loo hadalhayo: waxa jira nin gabyaa ah, magaciisu Cabdiwaaxid Cali Gama’diid yahay, oo jabka Kiinya gaadhay gabay ka tiriyay kuna digtay. Haddii uu jaallahay jeclaa in uu i la wadaago meerisyo tixdaa ka mid ah, qaybsanaan la’aan awgeed waa uu ku mergaday; hase ahaatee, waxa uu ii sheegay in la heli karo oo duuban tahay. Dabadeed waxa aan ka codsaday in uu soo xawisho oo uu ii keeno gabaygaas si aan u la arko. Waa uu fuliyay codsigaas. Haddii aan dhegaystay, dhowr jeer na ku celceliyay, labo jeer ba waa aan farxay. Ta hore, sida aynnu og nahay, isbeddelka soddonkii sanno ee ugu dambeeyay waayaha bulsheed iyo dhaqan nololeedka Soomaalida ku yimid waxa ka mid ah, godkii gabayga iyo kaalintii gabyaaga waxa beddelay godka heesta iyo kaalinta heesaaga! Sidaa awgeed, muhiim laga maarmaan ah ayaa ay ahayd boodh ka jafidda boqorkii godadka maansada; gabayga. Kaalin wanaagsan ayaa uu, Cabdiwaaxid, halgankaas ka cayaarayaa. Ta dambe, sida gabaygii hoos ugu dhacay waxa iyana hoos u dhacay oo ilaa heer hoose tegay luuqayntii gabayga. Dhabtii waa luuqeeye wanaagsan oo inta badan luuqdiisu iyo naaxiyaddiisu ba u dhow dahay luuqdii iyo naaxiyaddii cajiibka ahayd ee boqorkii murtida iyo gabayga, filasoof Cabdillaahi Macallin Axmed Cismaan “Dhoodaan” IHUN.

Kolka si tifaftiran loo qiimeeyo hab curinta toolmoon ee meeriska gabaygiisa, miisaan sixiddiisa, ka dhowrka noocyada deelqaafka. ilaalinta naxwaha iyo isrogroga erayga, soo gudbinta xaqiiqada iyo sawirka daahsoon, dhexgelinta murtida iyo sheeko bulsheedda, maansaynta maahmaahda iyo adeegsiga curiyayaasha suugaanta, dareemmada shanta ah iyo farshaxannimada; Gama’diid waa gabyaa nool; waa gabyaa jidkii raggii hore haya oo sidooda haddii uu dedaalka labo jibaaro u gabyi kara. Naadir weeye arkidda rag maansaleyda kula jira, aynigiisa ama ka weyn midkood, oo sidiisa u maansoon kara. Saddex waxyaallood ayaa gabaygiisu ka badbaaday. Ta kowaad, hal-abuurro badan oo saqajaamo ah ayaa si xun u fool xumeeyay gabayga, oo ka dhigtay mid dheef adduun ku raadiyaan oo subax wal ba mid danaysan codtebiyayaasha kaga diryaamaan. Isaga oo Gama’diid taa iska fogaynaya oo caddaynaya gabaygiisu in uu yahay mid uu ummadda ugu adeego, waxa uu kaga hadlayaa ararta gabaygiisa “Boqol Doofaar”. Ta labaad, cudurka qabyaaladda oo badi bulshadeennu wada qabto kama ay badbaadin suugaan yahannada dhallinyarta ah ee sebankan maansooda, waxa la odhan karaa badidoodu waa qabaan maansooyinkoodu na waa ay ka wada muuqataa. Bal se Gama’diid gabyaa Ciidagale in uu noqdo iyo guud ahaan Isaaq ba, waxa uu ka doortay gabyaa Soomaaliyeed oo muslim ah. Ta saddexaad waa anshax xumada.

Si dadban iyo si daalac ah ba dagaal ayaa lagu la jiraa bahweynta muslimiinta. Maraaxil kala duwan ayaa uu maraa dagaalkaas. Mid kasta ba waxa haga qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee u degsan. Kolka aynnu si fogaan arag ah u dhuganno Soomaalida oo ka mid ah muslimiinta la la dirirayo kuwooda ugu horreeya, kuwa ugu sii horreeya, sidan ayaa uu u qaabaysnaa dagaalka la la galay. Kolkii hore waxa la la dagaalamay garashadeenna, damiirkeenna iyo aqoonteenna. Waxa si xoog badan la isugu dayay in laga takhalluso mabaadiideenna ruuxiga—diinta iyo dhaqanka. Iyo in si toos ah la inoo beddelo ama la inoo tirtiro. Taas waxa diiday oo maya yidhi, bulshadii Soomaaliyeed ee waagaas noolayd, oo cudud aan loo kala harin kala hor tegay gumaystayaashii Giriigga, Roomaanka, Burtaqiiska, Isbeyn; iyo Ingiriisiga, Talyaaniga iyo Faransiiska. Bilowgii qarnigii labaatanaad, oo xilligaas geyiga Soomaaliyeed reer Galbeed gacanta ugu jiray, waxa damiirkoodu gubay oo dullinnimada qaayibi kari waayay muwaaddiniin aad u garasho badan oo geyllan u dhaqaaqay. Waxa ay isugu jireen shakhsiyaad gooni gooni u halgamay iyo, naadiyaal kala dhismo geddisnaa, oo dhammaantood mid wal ba guushii lixdankii la helay kaalin aad u qiimi iyo qaayo wanaagsan ku lahayd. Waxa xilligaa bilaabmay suugaantii waayahaas la jaanqaaday oo u badnayd suugaan siyaasi ah.

  •   “Eebbow geyiga oo dhan waa na laga guulaaye
  •   Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
  •   Eebbow Giriig kolay ku tahay na la gamuunneeye!
  •   Go’na laga ma qaadine dulmay nagu gelaayaane
  •   Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahayne
  •   Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e’!
  •   Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
  •   Eebbow gammaan iyo waxaan gini cas dhiibaayey
  •   Eebbow garow kaga ma helin goolashadaan wadaye!
  •   Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
  •   Eebbow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
  •   Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
  •   Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e’
  •   Geydhaale Aw Aadan bay galawga taabteene
  •   Eebbow geesigii Ina Dherey ugu guduudsheene
  •   Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
  •   Gorroska Muuse taaganaa wadnuhu i la gariiraaye
  •   Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e’!”

      Ustaad Sayyid Maxamed Cabdalle Xasan IHUN

Sida meerisyadan aynnu soo qaadannay ee gabayga “Gudban” ka mid ah ka arkaynno, Sayyidku waxa uu inoo dareen warramayaa gumaystuhu sida uu u la dhaqmay dhaqdhaqaaqii uu amiirka ka ahaa; damaciisa uu rabo geyigan in uu ka taliyo ummadda na gumaysigiisa ku sandulleeyo; sida gaaladu ay u yihiin kuwo gaashaanbuursi leh oo is garabsiinaya; sida aysan jirin gef ay ka galeen oo duulitaankooda iyo dullayntoodu gar loogu heli karo, ee keliya maxaa aad muslim u tihiin wax u xasuuqayaan; iyo sida aysan u jirin awood uu hayo ama uu ku tashan karo oo libin ku raadi goobi karo. Runtii, guud ahaan ba gabaygaasi waa calaacal, tawaawac, qiiro, murugo iyo walbahaar. Waxa uu si dhab ah u suuraynayaa oo u saafayaa xaqiiqada gumaysiga, ujeeddooyinkiisa iyo sida uu bulshada ugu gardarroonayo ee xoolo iyo xuquuq ba uga qaadayo. Heerkaa gumaysiga waxa ummadda ka dulqaaday oo guusha gobannimada meel dheer ku hubsaday rag iyo dumar Soomaaliyeed oo nafahoodii u sadaqeeeyay helitaanta shacab xor ah oo nolol xor ah ku noolaada. Halyeeyadaas ilaa maanta agteenna waa ay ku dulman yihiin xaqiiqdii.

Waxa aan sinna ba shakki ugu jirin Soomaalidu in aysan qiimaynin halyaygeeda. Taasi na waxa ay si weyn uga muuqataa muraayadda sooyaalka. Dawladihii Soomaaliya soo maray iyo kuwa haatan ba ka jira, sidii ay ahayd halyeeyadaas in ay u karaameeyaan, sooyaalkooda u xusaan, oo qiimaha ay ku lee yihiin qarankan iyo qowmiyaddan u weyneeyaan dhabtii u ma hagar bixin. Maamullada siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira maanta, iska daa in ay xusaan, iska daa sooyaalkooda dadka in ay uga sheekeeyaan oo baraan, iska daa dhallinyarta in ay ku dhiirrigeliyaan qorista dhiganayaal ku saabsan sooyaalkoodii iyo waxqabadkoodii, iska daa ubadkii ay ka tageen in ay maamuusaan, waxaas iyo wax kaloo badan ba iska daa; ma ba xusaan oo sida xaqqa ay tahay in ay u xusaan u ma xusaan, maalmaha taariikhiga ah ee ay ummaddani lee dahay sida: maalmihii guusha ee Daraawiishta; maalintii Taleex la duqeeyay; maalintii waqooyigu gobannimada qaatay, maalintii koonfurtu gobannimada qaadatay; maalintii israaca labada gobol; xuska SYL; xuska guushii dagaalkii Itoobiya; xuska calanka, iwm. Sidee ayaa markaa looga sugaa halyeeyadaas u soo dhintay baadigoonka gobannimo jiilasha ka dambeeya dheefsadaan xusas waaweyn in ay u sameeyaan?! Waxa layaab weyn ah maammulladeennu kaalintaas waajibka ah in ay dayaceen oo hilmaameen. Waxa layaabkaas layaabkiisa ah in dalkeenna laga xuso maalinta qowmiyadaha Itoobiya oo rag iyo taariikho aynnaan lahayn la innagu dul akhiyo innaga oo maaddadaa sabool ka ahayn!!! Ceeb!

Waxa heerkaa looga sii gudbay heer kale oo labaad. Dabayshii gobannimadoonka ee badhtamihii iyo dabayaaqadii qarnigii 20aad qaaradda madow ka bilaamatay waxa laga faa’iiday hal natiijo oo keliya: gumaysigii caddaa dalka in uu ka tegay oo la dawladoobay. Xaqiiqada sugani waxa ay ahayd gumaysigii in uu san tegin ee uu weli joogo. Waxa is beddelay waxa ay ahaayeen raggii—kii gaalka ahaa ee caddaa waxa beddelay ku diir Soomaaliyeed leh oo la garasho ah—ee qorshayaashoodii iyo ujeeddooyinkoodii ma hakan maalin qudha. Xaqiiqadaas waxa si weyn u caddeeyay mar kale indheergaradkii Soomaalida oo si dhab ah u rumaysnaa, weli madaxbannaani dhammaystiran in aan aan la hanan ee hawshu qabyo tahay. Gabyaa Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim” IHUN ayaa meerisyadan inoogu sheegaya arrintaas.

  • Isma doorin gaalkaan dirayiyo daarta kii galaye
  • Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
  •  Mis na lagu ma diirsadee qalbigu waa dirkii Karal e’

Soomaalidu tan iyo waagaa ilaa iyo kacaankii, iyo ilaa iyo maanta, si run ah u ma fahamsana halka caynku ka qalloocday! Dawladnimadii waxa ay ku dhex dhacday hul. Ilaa iyo maanta na halkaas ayaa ay ku jirtaa. Ma ay fahmin waxa la raadinayay waxa ay ahayd iyo wixii la helay! Halgamayaashu waxa ay baadidoonayeen Soomaali xor ah iyo Soomaaliya oo xor ah. Laakiin, nasiib darro, lixdankii la ma helin taas; ilaa iyo eegga na la ma hayo! Sidaas oo ay tahay na, waxoogaagii madaxbannaanida ee la helay na waxa gardaadiyay siyaasi diin iyo dhaqan labada ba ka madhan oo caqli shisheeye ku shaqeeya ugu na adeegaya kursiga uu ummadda ugu fadhiyo! Bulshadu waxa ay doonaysay maadaama muslimiin ay tahay diintooda in ay isku xukumaan oo ilaahay raalli geliyaan. Taasi ma ay dhicin ee had ba nidaam la soo bililiqaystay ayaa lagu dul dejiyay, si xoog na in ay ku addeecaan lagu khasbay! Bulshadu waxa ay doonaysay dhaqankeeda iyo sooyaalkeeda in loo ilaaliyo lagu na dhaqo. Taasi ma ay dhicin ee had ba dhaqammo iyo sooyaallo ajnabi ah ayaa lagu eegayay sida ay u fahmi karto u la na qabsan karto! Kuma ay talo gelin siyaasiyiintaas shacabka diintooda iyo dhaqankooda in ay ku dhaqaan kuna hoggaamiyaan. Maxaa ay ugu talo galaan haddii ba ay yihiin shaqaalayaal lagu dan gaadhayo oo kursiga ugu fadhiya dhaqangelinta barnaamjyadii gumaysiga qabyada ka ahaa? Siyaasigaas tan iyo lixdankii madhan, oo weli ba kan maanta uu ugu sii madhan yahay ugu na aafo weyn yahay ayaa ay caddayntiisa, la dagaalankiisa, ummad uga digiddiisa iyo yagleelidda kacaan hawshaas u istaagga suugaanta gabyaa Cabdiwaaxid Cali  Gama’diid xooggeedu ku saabsan tahay.

Haddii aynnu u soo gudubno ka sheekaynta gumaysiga cusub ee Soomaaliya haatan ku jirto, waa mid calool xanuunkiisa iyo ciilkiisa wata. Ka dib khibrad dheer oo boqollaal sanno ku siman oo ay reer Galbeedku baadhisyadii iyo daraasadihii Soomaalida ku sameeyeen ka heleen waxa ay ogaadeen hal qaaciido oo gaadhitaanka himiladooda fure weyn u ah: qabyaaladdu in ay tahay awoodda ugu sarraysa ee lagu kala qoqobi karo Soomaalida, isla markaana qarannimadeeda laga ga takhallusi karo. Iyaga oo ka duulaya aragtidaa ayaa ay dib u soo cusboonaysiiyeen waddooyinka xaqiijineed ee hadafyadooda iyo cidda ay u adeegsanayaan ba. Gumaysigan cusub waxa uu soo bilaabanayaa wixii ka dambeeyay 1977kii. Dhowr weji ayaa uu lee yahay. Wejigii hore waxa uu ahaa Soomaalida in dhinacyada siyaasadda, fikirka iyo dhaqaalaha laga curyaamiyo. Si wanaagsan ayaa loogu guulaystay taas. Wejigii ku xigay na waxa uu ahaa dalka qalalaase in laga abuuro, Soomaalida la barakiciyo, oo sidii tusbax xadhigu furmay oo kale dunida u kala qaxaan. Wejigii saddexaad na waxa uu ahaa dalalka Carabta in loo diiday aqbalaadda qaxoontiga Soomaalida iyo in Soomaalidii habaarku ku dhacay ee dalka ku hadhay loo taliyo iyada oo lagu dhuumanayo magaca “UN-ka” iyo “qorshihii Rejo Soo Celinta” ee runtiisa la fahmay. Wejigii afraad waxa uu ahaa, ka dib dagaalkaas si xun markii ay ugu jabeen, Soomaalida in si wanaagsan loo karbaasho oo madax-adaygga ay weli la soo taagan yihiin la madaxjabiyo; si taas hawsheeda loo galo na waxa la abuuray dagaal-oogayaal/qabqablayaal manaxayaal, macangagiin iyo maanlaawayaal ah oo ummaddii intii dagaalkii sokeeye ka badbaadday madhfacoodu ka badbaadin! Wejigii shanaad oo kaas dabasocday na waxa uu ahaa dagaalladii dadbanaa ee ay ugu horreeyeen haraadiga wasakhda warshadaha waaweyn ee reer Galbeedka iyo Maraykanka badaha in lagu shubo, dabargoynta haldoorka iyo halgamayaasha ee wixii ka dambeeyay dhacdadii Sebteembar 11, 2001dii koonfur ka bilaabmay, ee culimada, saraakiisha iyo waxgaradka kale ba lagu bartilmaansanayay iyo abuuritaanka hay’ado sirdoon oo si joogto ah u soo gudbiya xogta gudaha ee dalka.

Haatan waxa socda wejigii lixaad oo ah Soomaalida in si siyaasi ah loo kala qaybinayo iyada oo lagu soo dhex tuuray naar qiiqa ka baxaya khatar yahay oo magaceeda lagu sheegay “Federaal”, isla markaanna taasi looga gol lee yahay suurtagalinta khariiradda cusub ee geyigan laga diyaariyay, oo sheegaysa Soomaalidu saddex dawladood in ay noqonayso: Soomaalilaan, Buntilaan iyo Koonfur. Waxa qorshahan isna ku mataanaysan Soomaalida in si afeed, dhaqaneed iyo diineed loo kala qaybiyo. Waxa durba la bilaabay maalgelinta kooxo lagu doolar siiyay ku doodidda lahjadda Maaygu af in ay tahay oo looga dan lee yahay sugidda iyo ka dhaadhicinta Soomaalida in aysan isku af ahayn.  Sida aan anigu sii saadaalinayo waxa xigi doona qolo kale mashruuc in lagu siiyo Soomaalidu maadaama kala afaf tahay in ay kala dhaqammo tahay. Waxa ka sii dambayn doonta, xaqiiqadii na ah meesha loo sii socdo ee loo soo digdam lee yahay qolo kale in NGO lagu siiyo, maadaama Soomaalidu kala afaf iyo dhaqammo noqotay, sidoo kale na jiraan qayb bulshada ka mid ah oo gaaladu ku soo tarbiyeysay diimaha baaddilka iyo weli ba ilxaadka; Soomaalidu isku diin in aysan ahayn, ee kala diimo tahay! Halka ugu dambayn loo socdo waa in la soo saaro bulsho si wal ba u kala duwan, nidaamkooda siyaasi na Calmaani yahay, oo sida reer Galbeedka u dhaqma u na noolaada! Hirgelinta barnaamijyadaas haddii aysan Soomaalidu halyeeyo iyo halgamayaal sidii kuwii hore naftooda u hura helin, xaqiiqadu waa in ay guulaysan doonaan. Aadamuhu sida uu wada og yahay na gobannimadu bilaash kuma timaaddo, ee dhiig rag oo naftooda u hibeeyey u na sadaqeeyey dalkooda iyo dadkooda ayaa ay ku timaaddaa.

  • Gobannimo sun baa kaa xigtoo lays ma siin karo e’
  • ü Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye

    Ustaad Sayyid: Xaaji Aadan Axmed Afqallooc IHUN

Waa sunne la yaqaanno iyo casharro gumastayaashii dunida ka barannay kolka ummadaha laga tamar darreeyo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo midnimada, oo bulshadu noqoto mid furfuran, kala daadsan, xoog lahayn, oo cudurro iyo baahi badan lagu dhex beero; ugu dambayn, waxa si toos ah lagu furaa dagaal qabow oo dagaal aamineed//fikriyeed ah oo ruuxdeeda ku jihaysan. Gebagebadii labo qodob ayaa ummada la kala dooransiiyaa: in ay isdhiibto, ummadnimadeeda la beddelo, oo sooyaal, isir, dhaqan iyo fikir cusub loo sameeyo; ama in ay daadka raacdo oo bulshooyinkii la nolol halaagay ee waa dunida joogi jiray ka daba tagto, gudcurka dunida madow na kula soo caweyso! Heerkaasi waa heerka ugu dambeeya ee bulsho la burburiyay la gaadhsiiyo. Waa cutubka ugu dambeeya ee dhiganaha caanka ah ee gumaystayaashu kala dhaxlaan “Sidee Ummad Loo Tirtiraa?”. Waa na halka lagu wado shacabka Soomaaliyeed ee maalin ba maalinta ku xigta loo sii dhawaynayo. Laakiin, ayaan daradu waxa ay tahay Soomaalidu xaqiiqadaas in aysan ogayn! Tolow goormee ayaa ay ku baraarugi? Ma kolka Jaxiima lagu wada guro? Mise kolka albaabka laga gelinayo ee urteedii dareemaan? Mise eegga oo xaaladdu meel halis ah marayso, bal se wax ka qabasho lee dahay? Midka ay noqoto ba waayaha socda ayaa aan dhabtii u daynayaa, sooyaalku na waa uu qori doonaa dhacdooyinka nololeed.

Hadda ba, ujeeddooyinka gabayada xiddig Gama’diid waa in uu bulshada xusuusiyo Allahooda iyo diinta Furqaan ee uu soo dejiyay sida ay tahay iyo kulligeed wada aqbal-dhaqangelinteeda; fadhiga in ay ka kacaan oo dabinnada iyo shirqoollada cadowgoodu u maleegayo ee halaagga iyo hagardaamada ku ah geyllan kala hortagaan, iyo in muslimiintu isku hilib-damqadaan oo farxadda iyo murugada wada qaybsadaan, gaalka iyo mabaadiidiisa iyo danihiisa na hangool la is kaga riixo. Sidaas ayaa ay xaqiiqdii u qaabaysan tahay ujeeddo-maansooyinkiisa. Sidaas na waxa si awoodi ay weheliso uga soo horjeeda oo jawaab degdeg ah ka bixinaya cadowga Eebbe iyo cadowga muslimiinta, oo Maraykan, Israa’iil, reer Yurub, dawladaha safka hore oo Xabashidu iyo Kikuuyadu ugu soo horreeyaan iyo saaxiibbadooda leh sawirka islaamka iyo diirka Soomaaliyeed, bal se xaqiiq ahaan gaalkalkaaliyayaal iyo dabadhilifyo ah, ka mid yihiin.

Sida aynnu soo sheegnay gacmaha kala duwan ee gumaysanaya ummadda Soomaaliyeed walow ay kala danooyin yihiin hadda na waa isku mabda’. Giddigood aragti qudha aya ay ka wada duulayaan. Bulshadan muslimka ah, tirada yar, ee dhulka hodanka ah ku beeran sidii looga barakicin lahaa iyada na ama loo gaalaysiin lahaa ama loo tirtiri lahaa weeye, cid wal baa ha garato ama yeelkeed e’, aragtida reer Galbeed iyo cawaantooda. Innaga ma qarsoona sida eegga Soomaalidu gacan shisheeye u gashay. Keliya waxa innagu filan daawashada cayaarta siyaasadeed ee Soomaaliya ka socota. Waxa aynnu ujeednaa oo indhaheennu arkayaan dhegaheennu na maqlayaan boobka iyo bililiqada badheedhka ah ee Kikuuyadu ku hayso baddeenna iyo barrigeenna. Waxa aynnu horay u ogayn Soomaalida oo loo tiirin jiray iyagu in ay yihiin cidda nabadda diidan, kolkii kacaankii maxaakiimtu bilaabmeen oo bulshadu is abaabushay oo nabaddii adduunku soo celin kari waayey maalmo iyo bilooyin tirsan ku soo celiyeen, in ciddii nabadda diiday ee ifiinkaa ummadda u siraadmay xoolaheeda iyo xooggeeda ku damisay cadowgeenna nolosha uu yahay. Waxa aynnu ka warhaynnaa sida geyigeenna Maraykan ugu teliyo, Xabashidu na wakiil uga yihiin, maqaarsaarrada madaxdeenna ahi na badhasaabbo maan-afduuban u yihiin! Sida guud ahaan siyaasadda dalkeenna BEESHA GAALADU gacanta ugu jirto oo ay siyaasigeenna xaashida hortaalla ugu yeedhiyaan aayaheenna ummadeed ayaa aynnu goobjoog ka wada nahay. Madaxbannaani siyaasadeed, sharciyeed iyo qarameed in ay jirin ayaa aynnu markhaati ka wada nahay. Si guud ahaanna, waxa aynnu daawadayaal fiican ka nahay sida muslimiinta loo kala xidhxidhay; sida la isugu diiday in ay qalbi iyo quwad ahaan ba isugu gurmadaan; sida diinteenna maanta isla diinteenna lagu la dirirayo; sida qof wal oo damiir iyo garasho sare lihi judhiiba ay u tooganayaan kuwo aan ka nasab fogayn!

Innaga ma qarsoona Soomaalida waxa keliya ee ay isku hayaan siyaasad in ay tahay iyo sida siyaasigeennu masiibo iyo aafo weyn ugu yahay midnimadeenna iyo masiirkeenna hoggaaminnimo ee gobolka geeska Afrika. Sida ay bulshada u kala qaybqaybinayaan, u kala qoqobayaan, ee qabiillo is wada leh oo wada dagaalsan uga dhigayaan marag baa aynnu ka nahay. Sidoo kale, sida ganacstadeennu inoo dilayaan ee daawooyin iyo raashin dhacay ah–oo ah aas’aaska laga ma maarmaanka nolosha—hadh iyo habeen caloosheenna uga buuxinayaan marag baa aynnu ka nahay. Sida wadaad xumaha ummadda ku dullaysanaya diinta, ee diinta ka dhigtay tab macaash lagu heli karo, oo subax wal ba aragi, ujeeddo iyo dan hor leh la soo jarmaada marag baa aynnu ka nahay. Saddexdaas qolo waa saddexda dhab ahaantii loo adeegsanayo fulinta barnaamijyada lagu dabargoynayo cunsurka Soomaaliyeed. Ninkii fahma iyo kii aan fahmin ba, waa kuwa lagu dan gaadhayo ee xaqiijiinta higsiyada cadowga u halgamaya, oo kolka xisaabtooda la isku dardaro natiijadu noqonayso sida gaaladu damacsan tahay. Laakiin, su’aashu waxa ay tahay: yaa iska qabanaya oo garashadaasi ku jirtaa?

Waxa aynnu og nahay ciidamada dawladda Kiinya dhulka Soomaaliyeed sharciyad la’aan in ay ku soo galeen; bulsho Soomaaliyeed oo xoolaraacato u badan ciidamadoodu, dabaabaadkoodu iyo weli ba diyaaradahoodu xasuuqeen; iyo tan iyo xilligaas baddeenna barwaaqada badan boobayaan oo u soo kiraysteen shirkado Yurub laga lee yahay. Arrimahaas Soomaalidu ma ka wada hadashay? Idaylkood ma ka gilgilatay? Oo waajibkii Kiinya ay lahayd ma la marsiiyay? Jawaabtu waa maya. Muwaaddiniin aad u tiro yar oo mas’uuliyiin iyo mutacallimiin isugu jirta ayaa ka hadlay. Dhiigga Soomaaliyeed ma bilaash baa? Ka hadalkiisu ma xaaraan baa? U qareemiddiisu ma camal naareed baa? Abaal wanaagsan abaal la mid ah ama mid ka sii sarreeya ayaa lagu qaabbilaa; abaalka xunna mid la mid ah. Iyada oo aan la xadgudbayn ayaa muslimiinta looga baahan yahay in ay aarsadaan, shuhadadoodii u hiiliyaan, oo gaalka iyo dabadhilifyadiisa jawaab kulul siiyaan. Hadda ba, maalin sabti ah, tirsiga miilaadigu na tahay 21kii Sebteembar, sanadkii hore, muslimiinta Soomaaliya waxa ay ka jawaabeen xasuuqa gardarrada cad ah ee Kikuuyadu gudaha Soomaaliya ka waddo; waxa na ay qarxiyeen suuqganacsiyadeed caan ah oo lagu magacaabo Westigayt. Dhacdadaa sharci ahaan in laga doodo—waxa ay diintu ka qabto—waa mid ruux wal oo diinta aqoon badan u leh u furan, waa na dhacdo lagu kala aragti duwanaaday iyada iyo kuwo la mid ah oo caalamka gaalada ka dhacay; laakiin, wadaadkeennu xasuuqa muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaalida lagu samaynayo in uu arki waayo, ka indha-xidhnaado, ama sababo dhaqaale iyo siyaasadeed uga aamuso, maalinta muslimiintu ay cadowgooda ka aargoostaan, argagaxiyaan, oo yar iyo weyn farriin digniin ah u diraan in uu af dhawaaqii dhawaaqo, minbarka ka qayliyo, oo gefafkooda—xattaa haddii ay gef tahay—u indha-fiiqfiiqnaado; xaqiiqdii waa xujo iyo yaab!!! Waa garasho iyo damiir xumo halkii u dambaysay. Dhiigga gaaladu in uu ka qiimi bato ka muslimiinta waa wax la la anfariiro!

Dhicitaankii dhacdaa ka dib, muslimiintu siyaabo kala duwan ayaa ay u cabbireen. Cabdiwaaxid waxa uu ka mid ahaa raggii suugaanta ku cabbiray weerarkaa gaalada kaga ilmaysiiyay, isla markaanna ku digtay sida ay u jabeen, ogaysiiyay na in aan la is kaga hadhi doonin gaboodfallada ay kula kacayaan muslimiinta, ee maalin uun la la xisaabtami doono, oo dalku in uu rag lee yahay diinta ummaddooda na difaacaya la bari doono. Soomaaliyada haatan waxa aan u aqaannaa “Soomaaliyadii ururrada”; nabad la’aanta, xasillooni daridda iyo burburka ummadeed iyada oo laga faa’iidaysanayo, waxa dalka si toos ah uga hawlgala ururro kala geddisan oo mid wal baa awooddiisa, siyaasaddiisa, hannaankiisa, danihiisa iyo barnaamijyadiisa leh. Mar kale waxa ay lee yihiin xidhiidh dhinacyada barnaamijyada, siyaasadda, dhaqaalaha, maamulka iyo aydiyoolajiyadda ah. Sidaa daraaddeed, waxa aan mar kale ku tilmaamaa “Soomaaliyadii Masaska”. Qofkii isku daya xaqiiqooyinka nololeed ee bulshadu la nooshahay si run ah in uu u soo bandhigo oo u teeb garaaco, runtii waa qof masaskaa mid ka mid ah ka cadhaysiinaya!

Tixda “Dardaaran” markii ay soo baxday 28kii Sebteembar, ee isla sanadkaa, maalmo yar ka dib waxa laga la baxay Hoteel Dalxiis, waxa na loo taxaabay jeelka. Muddo shan bilood ah ayaa uu halkaas ku jiray, dambiga lagu soo eedeeyay na waxa uu ahaa falkaa ay muslimiintu kaga dareen celiyeen falalka tiro beelka ah ee gumaadka ah maxaa aad uga gabayday! Kolkii xeerjajab lagu dhammeeyay hawshaas, waxa muddo dabadeed uu safar ku soo gaadhay deegaanka waqooyi bari (Buntilaan), waxa gacanta ku dhigay ciidamada Buntilaan oo ku xidhay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Isla kiiskii Soomaalilaan u xidhay ayaa ay Buntilaan ku soo eedaysay: waxa uu ka gabyay dhacdadii Westgate! Kol haddii uu ka hadlay arrin xaqiiq ah, damiirkiisu iyo garashadiisu siin kari waayeen daawashada xasuuqa muslimiinta iyo ka aamuskooda, oo waajib bani’aadannimo ku noqotay dulmiga jira in uu ka dhiidhiyo oo xaqqa uu mar na ba ka tanaasulin, waxa hubaal ah masaskaa mid ka mid ah in uu dharbaaxay; iyagu na maadaama ildheeraha iyo indheergaradka yaqaanniin sida loo la macaamilo, waxa ay ka bixiyeen jawaab degdeg ah oo ah, in ay xidhaan.  Haddii kol kale xeerjajab lagu dhammeeyay oo haldoorka gacanta gumaystayaasha laga saaray, degelkiisii na ku laabtay, gardarrooyinkii Faransiisku ku xasuuqayeen ummado muslimiin ah oo dalal islaam ah ku dhaqan iyo aflagaaddadoodii ay nabigeenna u gaysteen waxa jawaab adag ka bixiyay muslimiin damiirku gubayo. Sida lagu yaqaannay Cabdiwaaxid Cali Gama’diid dhacdadaas ayaa uu ka gabyay; dadkii boqolka kor u dhaafay dilkooda na ku farxay, oo dunida gaalada farriin u diray: dharbaaxada iyo jabka gaadhay Faransiis tusaale in ay u wada noqoto wadartood. Isla sidii cadowga mabaadiidaa lagu yaqaannay mar kale iyo gabay kale ayaa Hargeysa loogu xidhay.  Ilaa iyo haatan na waa uu ku jiraa—Allaah SWT ha ka soo daaye. Weyddiinta u baahan in laga jawaabo ayaa ah: Maxaa Gama’diid lagu haystaa?

Jawaabta saxda ah ee weyddiintaa waxa weeye: maxaa aad xaqiiqada u sheegaysaa? Maxaa aad ummaddaada uga nixi oo halaagga iyo hagardaamada aan ku soo wadno ugu tafniid warrami? Maxaa Allihii ay ka tegeen u soo xusuusiin oo Ilaaha Qabiilka la yidhaahdo ee ay caabudaan u la dagaallami? Noloshan si wal ba ba u xun, heeryada gumaysiga ay qaayibeen, dullinnimadan iyo dowddarnimadan ay ku jiraan, maxaa aad uga kicin oo dubaha maankooda ugu garaaci? Reer tolkaa maxaa aad ugu sheegi in la gumaysanayo, gumaysi ku dhex jiraan, dhan wal ba laga hareereeyay, oo waxa loo socdaa dalkooda iyo barwaaqada dhextaal tahay? Maxaa aad uga naxdaa uga na cadhootaa nabarrada gaadha muslimiinta isla jeerkaa na maxaa aad ugu faraxdaa oo aad ugu digataa laynta gaalada? Wanaagga diinta iyo in ay waajib tahay dunida in lagu maamulo maxaa aad carrabkaaga ugu adkaysaa? Maxaa aad calmaaniyadda, gaalnimada, qabyaaladda, dimuqraaddiyadda iyo siyaasiga Soomaaliyeed u la dirirtaa? Dhaqankii iyo hiddihii ay bulshadani lahayd maxaa aad u soo cusboonaysiinaysaa oo u xayaysiinaysaa? Maxaa aad u aamusi la’dahay oo qalbigaaga shidaya oo ficillada aan samaynaynno aayar u daawan la’dahay? Maxaa aad Soomaaliweyn u aaminsan tahay oo kala qaybqaybinta iyo qoqobka Soomaalida kugu diray? Maxaa runta u sheegaysaa oo u soo indha’adaygaysaa? Maxaa aad caqiiddada “Al Walaal Wal Baraa’ boodhka uga jafaysaa oo u soo noolaynaysaa? Maxaa saaxiibbadeen Kiinya iyo Faransiis dhibaatada gaadhay aad u la murugoon wayday oo jabkooda u marxabbaynaysaa?

Waxa beryahan dambe caado noqotay, qofkii dhibaatooyinka muslimiinta lagu hayo ka hadla ee gardarrada qaadan waaya in lagu dhejiyo magacyo badan oo diyaar ah, oo ay ka mid yihiin: Argagaxiso, Wahaabi, Xagjir, Asalraac, Alqaacida, Alshabaab ikk! Waxa aan si aqoonaysan loo kala fahamsanayn kala duwanaanshaha u dhexeeya dhaqdhaqaaqyada jihaada in lagu biiro oo xubin laga noqdo iyo qayb ka mid ah aragtiyaha iyo fikirrada in la wadaagi karo. Waa qof aad u gar darran u na aqoon yar qofka si cad ugu dooda ururradaas 100% in ay khaldan yihiin.  Waxa la mid ah qofka caksigeeda ku dooda. Waxa la sii mid ah qofka kala saari kari waaya arrimaha isku aragti laga noqon karo iyo arrimaha kale!

Ka dib burburkii khilaafadii Cuthmaaniyiinta muslimiintu si wal ba waa ay u jabeen. Burburkaas ummadda xag wal ba ka saameeyay waxa ka gilgishay culimadii oo dedaal u soo galay dib u noolaynta bulshada iyo soo celinta khilaafadoodii. Dareenkaas waa laga wada sinnaa; hase ahaatee, waddooyinka loo marayo labadaas hadaf xaqiijintooda ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaaday. Iyada oo ay jiraan maanta, garab dedaalladaa ka mid ah oo si buuxa ugu qanacsan jidka lagu gaadhi karo in uu yahay qori qaadashadii iyo xoog wax ku keenkii, sidaas na ku hawgal galay ilaa iyo aminka na ku dagaallamaya oo ku shaqaynaya; waxa jira culimo iyo mufakkiriin dariiqaa taabacsan, bal se sida ay qolyahaas u dhisan yihiin wax na u wadaan aad u saluugsan. Waa dhibaato weyn feker diineedyada saaxadda ka jira aqoon iyo ogaal in loo lahayn. Haddii mabaadiida, aragtiyada iyo fikirrada qaar la wada wadaago ma aha in la taageeray oo xubin laga noqday qolyahaas! Dhacdooyinka caalamka muslimiinta ka dhacaya na waxa ay lee yihiin muuqaallo kala duduwan, sharraxaad kala baab ah iyo go’aan ka baxsan dedaallada diineed.

Waxaa wax laga xumaado ah duqaymaha diyaaradaha gaaladu dalalka muslimiinta ka gaystaan iyo dagaallada kala duwan ee muslimiinta lagu la jiro in laga hadli waayo oo afka la xidho. Bal se gef yar ama weyn maalinta uu muslimiinta ka dhaco in la baraarugo, indhaha la taagtaago, oo kitaabbada la kala furto! Xaggee ayaa ay dadkaasi ku maqan yihiin marka gaaladu waxa ay doonayso sameenayaan? Ma duni kale oo tan aan ahayn ayaa ay ku nool yihiin? Mise waa rag ka tegay difaaca mabaadiida aamineed, oo mabaadiidooda qofeed iyo kooxeed difaacanaya?! Amisom ayaa magaalooyinka Marka, Kismaayo iyo Muqdisho qoysas dhan oo Soomaaliyeed ku gumaaday. Cid si diineed, waddaniyeed iyo damiireed uga hadasha waa ay yarayd. Bal se maalinta labo gaal oo Amisom ah laga dhiijiyo WAA WAREEY iyo WAA FAl ARGAGAXISO ayaa meel wal ba la la taagan yahay?!Kuwa hore falal argagaxiso ma aha miyaa?! Yaab! Gama’diid waxa uu gudanayaa xil akhlaaqiya oo ka saaran dhacdooyinka nololeed ee dunidan ka dhacaya sebankan. Waa lagu kala duwanaan karaa faham ahaan fasiraadda dhacdooyinkaa si diineed; bal se ma aha in indhaha la xidho, okiyaallo dhan ka jaban la gashado, oo qolo keliya diiradda la saarro. Waxa wanaagsan jeer wal ba caddaaladda, xaqqa iyo garashada in aan laga tegin oo la caasiyoobin.

Wax badan oo ka mid ah dhacdooyinka dawladaha Galbeedka ka dhacaya waa kuwo ay mas’uul ka yihiin dawladahaas. Sidaa awgeed, qaddiyaddan kolka laga hadlayo ma habboona in lagu degdego oo keliya si cawaran loo dhugto sawirka warbaahinta reer Galbeedku ka bixinayaan falalkaas. Waa arrin u baahan in lagu eego okiyaallo waaweyn oo wax wal ba sawiraya weyneynaya na, isla jeerkaa na cilmiyo kala godad duwan mid ba qaybtiisa gorfayntan in laga siiyo. Shakki waxa aan iga ga jirin xaq darro in lagu xidhay iyo madaxda xidhay ba xadhigiisa in aysan u madaxbannaanayn ee gacan kale ka dambayso. Gabyaaga maxaa aad Kiinya iyo Faransiis ugu gabayday in lagu xidho waa mid ku cusub sooyaalka suugaanteenna oo wax la la anfariiro ah. Qofku waa uu u madaxbannaan yahay fikirrada dunida ka jira iyo dhacdooyinka ka socda ba aragtidiisa sida uu u cabbiri karo in uu ka cabbiro. Muhiimaddu waa in la hubiyo waxa uu qofku bulshada la wadaagayo saxsanaanteeda iyo gefsanaanteeda. Taasi na degdeg, caaddifad iyo hubsiimo la’aan u ma baahna, waxa wanaagsan wakhtigeeda in la geliyo oo dadkeeda la la kaashado.

Waxa aan aad iyo aad u la yaabban ahay oo madaxgayga geli kari la’, Soomaalilaan oo ninkii Jarmal ee gabdhaheeda sida xun u faro-xumeeyay maxkamadayn kari wayday ayaa Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo dhacdo muslimiin sameeyeen oo lagu kala aragti duwan yahay culimo iyo caamo ba ka gabyay baa maxkamadaynaysa?! Midkee xaq u lahaa xabbis iyo maxkamadayn haddii caddaaladdu iyo garashadu shaqaynayso? Kaa hore waxa lagu sii daayay aqoonsi raadintii ayaa carqaladoobaysa!!! Kanna waxa lagu xidhay dunida ayaa aynnu aqoonsi kaga helaynaa maadaama xagjir Wahaabi ah qabannay!!!! Weyddiintu waxa ay tahay: Soomaalilaan ma madaxbannaan tahay? Waa jawaab mooganayaasha u taal.

Xadhiga Gama’diid waxyaallaha mooganayaashu ay ka faa’iidaysan karaan waxa ka mid ah in Soomaalilaan aysan madaxbannaanayn, oo muwaaddiniinteedu u xidhan yihiin arrimo raalli gelinaya gaalada la rumaystay aqoonsiga jeebkoodu in uu ku jiro. Waxa kale oo aynnu ka baran karaynaa sida ay madaxdeennu dabadhilifyo ugu yihiin danaha gaalada oo in yar oo damiir ahi ku jirin. Waxa aan hubaa gumaadka saanmadoobuhu ka wado koonfurta haddii uu ka maansoodo oo dabadeed Muqdisho tago in degdeg loo xidhayo. Ogow, waxa laga yaabbaa madaxda dawladdu xattaa waa aan cambaaraynaynaa oo qudha afkooda in ay ka soo bixi kari waydo! Waa dal shisheeye u taliyo maqaarsaarro la garaaddhaqay oo si kale u farsamaysanna talada loogu dhiibay. Marka dib loogu laabto sooyaalka sanadihii madoobaa ee Soomaaliya–oo ay weli ku jirto–, culimada, saraakiisha, weriyayaasha, ardayda, isimada iyo aqoon yahanka oo dhan la ma dilayn. Keliya waxa la dilayay inta wax fahamsan; inta garaadkoodu nool yahay; inta mabaadiida islaamnimadu iyo Soomaalinnimadu ku dambayso; iyo inta gaalka iyo cawaantiisa si kulul u la dirirsan. Intii la dhaawacay iyo intii la xidhay waa la mid. Halgamaa Cabdiwaaxid waxa uu ka mid yahay, oo aan u arko nasiib in uu u lee yahay, shakhsiyaadka farakutiriska ah ee maanso yahanka ah ee ka hadalka xaqiiqada, jeclaysiga guulaha muslimiinta iyo necbaysiga siyaasadaha gaalada, iyo dhab u  hiilinta masiirka muslimiinta u kadeedan. Ilaahay waxa aan uga baryayaa in uu jeelkaa ka soo daayo iyo in uu arrintaa uga dhigo mid uu sumcad, taageerayaal iyo awoodo badan ku hantiyo. Aamiin.

Ugu dambayntii, waxani waa sooyaal socda oo nolol maalmeedkeenna ka mid ah. Ninkii doonaa ha iska hadlee, waxa iman doonta maalin si dhab ah loo xisaabtamayo oo qof wal ba la qiimaynayo kaalintiisii, dedaalkiisii iyo garashadiisii. Ninkii timir abuuriyo/ ninkii tiin tallaala ba/Taariikhdu way warin, ayaa laga murti reebay hal-abuurkii Soomaaliyeed ee dhintay, Cabdiqaadir Xirsi Yamyam IHUN. Waa dhaqan Soomaalida lagu yaqaanno halyeygeeda in ay yasto kii caloosha ka soo rida na halgamaa weyn u aqoonsato. Xabashida oo cadowgeenna kowaad iyo tobnaad ah oo Soomaalida wanaaggeeda iyo dib u soo noolaanshaheeda mar na ba raalli ka ahayn haddii madaxdeennu ku hadalbartaan Itoobiya waa dal aan jaar nahay oo dano siyaasadeed naga dhexeeyaan; weedhaa dhabteeda gadaal ayaa laga ogaan. Waxa aan ugu baaqayaa halgamayaasha sebankan falalka gardarrada ah ee jaallayaashood loo gaysanayo falal amniga iyo xasilloonida deegaanka khalkhal gelinaya in aysan samaynin, oo khaladkaasi khalad kaga jawaabin. Sifo wal ba oo xumaan laga urin karo ka dhowrsanaanteeda waa xarragada garashada iyo tayada kacaanka. Gama’diid waxa aan kula dardaarmayaa mar na ba in uu san ka tanaasulin mabaadiida Soomaalinnimada iyo Islaamnimada, isla jeerkaas na cadaadiska, cagajuglaynta iyo calool xumada loo gaysanayo casharro iyo cibarro uu ku sii kaabo-xoojiyo halgankiisa ka barto, oo xidhiidhka uu Qaaddir la lee yahay adkeeyo. Mugdi iga ga ma jiro gabyaa gaasabbaxay oo asaagii ka mudhbaxay, murtidiisu cuddoon tahay, tixyaqaan ah, oo geesinnimadii iyo gobannimadii Soomaaliyeed weli ku sii jirto in aad tahay. Waxa maqaalkan aan ku soo gebagebaynayaa tixda “Isha Cali U Fiirsada” oo ka duuli doonta isla dhabbihii tixdii “Dardaaran” ka sare kacday. Waa guubaabo; waa xusuusin; waa farriin; waa digasho.

  • Fakkaloon wax badan baan ku jiray oon falaatamaye
  • Fikir iyo in badan baan taliyo faallo qaayibaye
  • Farxad baa se ii muuqatoo faraj Allaa dhaw e’.
  •  
  • Fasalkiyo dabaylaha socda na waan ku faaraxaye
  • Cirku fadad is geyllaamiyiyo foore soo kiciye
  • Wa kaa dhays la foolanayee hoorrimaad furaye.
  • Ujeeddada haddaan kuu fasiro fulayga yeelkiise
  • Nasri foolka ina siiyayoo faraw leh weeyaane.
  •  
  • Waa kaa jihaadkii fuufee gees wal ba u fidaye
  • Muslinkii dulligu fuushanaa ficil la soo boodye
  • Waa kaa fidaa’iguu kacay fooska soo dumaye.
  •  
  • Dakanadii Furqaan laga galaan finiq la dhaafayne
  • Fataaloo dhan saakaa rasaas loo la fiirsadaye.
  •  
  • Fooxliyo cilmaaniyo basaas faasiq iyo daalin
  • Saakay ku wada foorartaa furuq Alle u keenye.
  •  
  • Futadaa rag badan gii leh oo maalmo foofsadaye
  • Murtadoo dhan saakuu fig iyo gawrac filayaaye.
  •  
  • Wadnahaa fugtaa wada hayoo fiige dulinkiiye
  • Firxad buu wada yeelanyay faajir tay lihiye
  • Fadhi iyo hurda ba saaka way kala fogaadeene.
  •  
  • Intaasaa ku filan meeridii faraha weyneyde
  • Fari kama qodnoo nacabki baan sii fasirayaaye.
  •  
  • Haddaan talada loo fiirsan way kula fogaataaye
  • Hadalkii fudayd kaaga tegay fidh iyo eel reebye
  • Mar bay fari Togdheer u la gashaa ruux faduul jecele.
  •  
  • Wax badan buu fidniyo diin la’aan uumiyaha faraye
  • Wax badan buu fasaad iyo dhib iyo qudhun ku foognaaye
  • Wax badan buu fasaxay ceebta iyo ficilki reer Luude
  • Faransiis dhirbaaxada ku taal waa farriin culuse!
  • Tiro ma leh bakhtiga fuurayee haadku fagayaaye
  • Alleylehe rag foolaada oo fiican baa jaraye.
  •  
  • Gaaloo dhan waa kaa fajacay xalayto fiidkiiye
  • Waa kuwaa farraqay oohintoo taa ba may filane
  • Ninkii kibirka faa’iido bida feedhahaa jaba e’
  • Waa fal iblaysku tabantaabiyiyo cudur aan fiicnayne
  • Saakuu Fircoon garanayaa eed wuxuu falaye!
  •  
  • Fudhuuciga horaa loogu lumay ama farjiiqdaase
  • Fatooshtii la eediyo gefkii faraha weynaaye
  • Ninkii faan shirkiga moodayow la isu soo fuulye
  • Isha Cali u fiirsada dhawaan fiintu way orinne!

 

              Tixraac: Gabay ”Isha Cali U Fiirsada”, 2015 (Gal Muuqaaleed), Laga heli karo: <https://www.youtube.com/watch?v=EINMKkU3SH4>( 29kii Nofeembar, 2015).

         Tixraac: Khaliif, Nageeye Cali, 2015 (Qoraal Faysbuugeed), Laga heli karo: <https://www.facebook.com/nageeyemedia/posts/792761250835384> (20kii Nofeembar, 2015).

 Dhammaad

 

 

 

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *