Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Safar Ugu Kicitimo Dalka Ethiopia Iyo U-jeedada Ku Ladhan.

Hargeysa (Raacdo):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu goor dhaw safar ugu kicitimo Magaalo Madaxda dalka Ethiopia ee Adis-ababa.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo la xidhiidha Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee Socdaalka ku tagaya dalka Ethiopia.

Sidaa waxaa xalay Shabakadda Wararka ee Hayaannews u xaqiijiyey ilo-wareedyo u dhuun daloola madaxtooyada Somaliland, Waxaanu warku intaasi ku darayaa  inuu safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagayo dalka Ethiopia uu ka danbeeyey,kadib markii uu marti-qaad rasmi ah uu ka helay ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Ilaa imika lama garanayo sababta uu ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn uu ugu yeedhay Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wakhtigan iyo waxyaaba uu kala hadli doona-ba.

Warku waxa kale oo uu intaasi ku darayaa inuu safarka uu madaxweynuhu ku tagayo dalka Ethiopia uu qaadan doono muddo saddex cisho ah.

Safarkan la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland uu ugu kicitimo dalka Ethiopia ayaa noqonayaa safarkii labaad ee uu Madaxweynuhu bil gudaheed dalka kaga baxo, isaga oo uu Madaxweynuhu todobaadkii hore dalka dib ugu soo noqday, kadib markii uu soo dhameystay safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo qaatay muddo Sideed Cisho ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *