“Weerarrada Al-Shabaab Waxay Curyaamiyeen Howl-galladii Midowga Afrika & UN-ka” Q.Midoobay

Muqdisho (Raacdo.com):- War rasmi ah oo kasoo baxay Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in shaqada ururka ee soomaaliya ay caqabado daran soo wajaheen kadib markii xoogagga Al-Shabaab xoojiyeen weerarrada ka dhanka ah AMISOM.

Mas’uulka Q.Midoobe u qaabilsan Somalia ayaa warbixin uu siiyay Banki-xoghayaha guud moon wuxuu ku sheegay in wax laga bedeli doono howl-gallada ciidamada AMISOM iyo qaabka shaqada ee xafiiska siyaasadda ee Q.Midoobey.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay sare u qaadeen weerarrada dhaba-galka ah ee ay ku qaadaan kolonyada saadka ciidamada AMISOM iyagoo adeegsanaya miinooyinka dhulka lagu aaso iyo weerarro fool ka fool ah.

Q.Midoobey waxay xaqiijisay in si gaabis ah ay ku socdaan shaqadeeda Soomaaliya gaar ahaan howlagalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab iyo arrimaha siyaasadda ee UNISOM ay ka laheyd Soomaaliya.

“Aad bay u liidataa xaaladda Soomaaliya waxaa gaabis ku socda howl-galladii ciidamada Midowga Afrika, tusaale ahaan weerarrada ka dhanka ah AMISOM iyo Q.Midoobe waxay afar jibaarmeen bilihii lasoo dhaafay” Ayaa lagu yidhi warbixinta.

Sidoo kale xafiiska UN-ka ee Soomaaliya wuxuu walaac ka muujiyay ugaadhsi dheeri ah oo lagu hayo dhammaan dadka la shaqeeya Q.Midoobe kuwaasi oo bartilmaameed u ah islaamiyiinta oo loola jeedo xoogagga Al Shabaab.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in uu aad u xunyahay xidhiidhka u dhaxeeya saraakiisha ciidamada DF-ka iyo kuwa AMISOM isla markaana shacabka ku nool magaalooyinka ay AMISOM qabatay aanay wax cilaaqaad ah la laheyn shisheeyaha.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa isna soo jeediyay in meelaha ay ku suganyihiin ciidamada AMISOM laga hirgeliyo mashaariic sida furidda cisbitaallo si dadka Soomaalida loo soo jiito.

Warbixinta walaaca ah ee kasoo baxday Q.Midoobe ayaa banaanka soo dhigaysa awoodda shabaabul Mujaahidiin iyo tabar-darrida ciidamada shisheeye dagaallada kaga jira dalka Somaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *