Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Itoobiya Ee Ku Sugan Degmada Diinsoor.

Muqdisho (Raacdo.com):- Xoogagga Al-Shabaab ayaa mar kale weerarro ku qaaday saldhigyada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee dhacda Koonfurta Soomaaliya.

Wararka ka imanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen duleedka degmadaasi oo saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Dadka deggaanka ayaa war-fidiyeenka u sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya kasoo gaadhay dagaalka ka dhacay Diinsoor.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *