Weerar Khasaara Dhaliyay oo Markale Ka Dhacay Magaalada Mandheera.

Nairobi (RNN):- Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa mar kale waxay habeen hore weerar xooggan ka fuliyeen gudaha magaalada Mandheera ee gobolka Somalida ee waqooyi Bari Kenya.

Weerarkan oo la sheegayo inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhacay badhtamaha magaalada Mandheera. Waxeyna ciidamada Al-Shabaab rasaas oodda kaga qaadeen  Nasaara Kenyaati ah oo ku sugneed badhtamaha magaaladaasi.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo weerarkan waxey sheegayaan inuu hal ruux ku dhintay labo kalane ay ku dhaawacmeen. Iyadoo ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee weerarka ka fuliyay badhtamaha magaalada la xaqiijiyay iney si nabad ah goobta uga baxsadeen.

Weerarkan waxa uu imanayaa labo maalin kadib markii ciidamada Al-Shabaab weerar dhabbo-gal ah u dhigeen kolanyo gaadiid ah oo uu la socday gudoomiyaha degmada Mandheera kuwaasi oo ku socdaalayay duleedka Mandheera. Waxaana weerarkaasi uu sababay dhimashada askari iyo gubista labo gaadhi. Iyagoo dhanka kalena halkaa laga qaatay hub iyo hal Baabuur.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *