Weerar Askar Fara Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobalka Helmand.

Kaabul (Raacdo.com):- Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afganistan iyo sidoo kale ciidamada dowlada Afghanistan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Helmand oo dhaca Konfurta dalkaasi.

Howlgalkan gaarka ah waxa uu si gaar ah uga dhacay deggaan hoostaga degmada Lashkargah ee gobalka Helmand, waxaana dagaalkaasi lagu dilay askar fara badan oo ka tirsan ciidanka dowladda Afghanistan.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa lagu dilay 32 ka tirsan ciidanka dowlada Afghanistan, iyadoo tiro kale lagu dhaawacay, waxaana dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ayaa si buuxda ula wareegay 6 Bar-kontrool oo ciidamada dawladda Afghanistan dhigteen duleedka degmada Lashkargah oo ah xarunta gobalka Helmand.

Ciidamada Daalibaan ayaa sidoo kale dagaalkan kula wareegay oo gacanta ku dhigay saanad ciidan oo aad u badan. Mudooyinkii dambe gudaha dalka Afghanistan waxaa ka dhacayay dagaalo lagu dilay askar isugu jirta NATO iyo kuwa dawladda dalka Afghanistan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *