Webiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Beled-Weyne

Muqdisho (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in fatahaad uu bilaabay webiga shabeelle ee mara shabeellooyinka iyo Hiiraan.

Barakac xooggan ayaa ka bilaawday xaafado ay ka mid yihiin lama-galaay, Nuur Xawaad iyo deggaanka Janta Kundishow oo ah meelaha ugu daran ee uu webiga Shabeelle fatahaadda ka sameeyo.

Boqollaal qoys ayaa hantidooda kala baxay guryo iyo goobo ganacsi oo magaalada Beledweyne ka tirsan waxaana laga cabsi qabaa in biyaha webigu ay gugan fatahaad daran ka sameeyaan gudaha magaalada Beled-Weyne.

Sanad walba webiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeya shabeelaha Dhexe, shabeelaha Hoose iyo gobolka Hiiraan balse meelaha ugu daran ee fatahaaddu saameynta ku yeelato ayaa ah magaalooyinka Jowhar iyo Beled-Weyne.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *