Waxaanu Soo Dhawayneynaa Maxjarka Dhismihiisu Berbera Ka Socdo

Xoolaha nooli waxay dhuuni iyo dhaqaaleba u yihiin guud ahaan dadka Somaliland, islamarkaana xooluhu waa udub dhexaadka dhaqaale ee dalkeenu leeyahay. Ganacsiga dhoofka xoolaha aynu la leenahay wadamada khaliijka waxa dadka iyo dalkaba ka soo gala lacag adag. maxjaradu waxay fududeeyeen dhoofinta xoolaha, haddaba dalkeena waxa ku yaal saddex maxjar oo kala ah maxjarka ganacsadaha Aljaabiri, maxjarka Indhodeero iyo maxjarka Alan’caam oo Burco ku yaala.Haddaba waxaanu soo dhawaynaynaa maxjarka dhismihiiisu ka socdo magaalo xeebeeda Berbera, maxjarkaas oo ay leeyihiin niman ganacsato ah oo reer Soomliland ah oo iskaashaday, maxjarkani wuxuu sii sahlayaa ama sii fududaynayaa dhoofka xoolaha nool ee aynu la leenahay wadamada khaliijka islamarkaana wuxuu shaqo abuur u noqonayaa dhalinyarta, dawladuna waxay ka helaysaa cashuur. Sidaa darteed waxaanu madaxweynaha ka codsanaynaa in uu  soo dhaweeyo maxjarkaas cusub, waxaan hubaa in madaxweyneheenu jecelyahay in dalka la maalgashado si wadanku u horumaro.   Dr. Ismail Omer Farah Dr.Mohamed Suleiman Mohamoud Dr.Mohamed Ahmed Hussein Dr. Hussein Osman Yusuf




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *