Wasiirkii Ciyaaraha Somaliland Oo Is-casilay

Hargaysa:(Raacdo.com):- Wasiirkii Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Axmed Cabdi Kaahin ayaa isaguna maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda Siilaanyo.

Is-casiladda Maanta ee Wasiirka, ayaa timi kadib markii koox Wasiirro ah, ay maalmihii ugu danbeeyay ka dareereen Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.

Wax kale oo ay wararku sheegayaan inay suuragl-tahay inay sii socoto is-casilaadda Masuuliyiinta ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *