Wasiirka Qorshaynta Oo Ka Hadlay Jidadka Loo Mari Karo Ictiraaf Raadinta Somaliland

Wasiirka Wasaarada qorshaynta Somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa waxa ka waramay fursadaha iyo jidadka loo mari karo ictiraaf raadinta Somaliland iyo tallaabooyinkii ay Somaliland hore u soo qaaday.

“Anigu waxaan qabaa ictiraafka Somaliland inuu aniga inugu xidhan yahay, horta inagaa loo baahan yahay inaynu u dhaqano sidii qaran oo aynu muujino nidaamka dawladeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo sharciyada caalamka, alxadulilaah talaabooyin badan baynu sameenay oo shan doorasho ayeynu galnay oo dimuqraadiyada, nabadii baynu sugnay, alxamdulilaah imika waxaa loo baahan yahay in midnimada la adkeeyo, hada dooroshooyin baa inagu soo socda markaa waxaanu u baahanahay in doorashooyinkaa inay si habsami ah oo qurux badan inoogu dhacaan, hadii taasi inoo suurto gasho wax badan bay ka taraysaa ictiraaf raadinta Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre.

“Ta dibada waxaanu u baahan nayahay runtii dadaal badan laga galo laakiin waa in dadaal intaas ka sii badan u galno oo qadiyadeena u soo ban dhigno calamka, inaga iyo somaliya waxaynu ahay labo wadan oo kala gooniya oo kala taariikha oo maalin isku darsaday waliba isku darsigaasi muu marion nidaamkii sharciga ahaa, garyaqaanadu waxay ku odhanayaan isku darsigaasi mabuu xalaaloobinba xaga sharciga, markaa manta wax ina hor taagan sharciyad maaha ee waa siyaasad weeyi , markaa sidii carqaladaa siyaada uga gudbi lahayn xageena ayaa looga baahan yahay inaynu sameeno.”ayuu ku dooday Wasiirku.

Wasiirku waxa uu soo jeediyay tallooyin ku wajahan sida khayraadka Somaliland qaran ahaan ay uga faa’iidaysan lahayd, waxaanu yidhi “Waxaynu baahanahay culayska inaynu saarno sidii aynu wax u soo saari lahayn, amba beer ha ka soo baxo amba bad ha ka soo baxo amba warshadba ha ka soo baxee laakiin sidii wax aanu leenahay u soosaari lahayn baanu u baahanayahay runtii falawgeeda aanu qabano, dadkeena maal qabeenka ah maanta inta badan waxay yaqaanaan ganacsiga oo ay ku barbaareen oo ay wax ka heleen oo aqoon kale uma laha meelaha kale ee wax soo saarka, markaa waxa loo baahan yahay bal inaynu is qaybinoo oo maal gashano wax soo saarkii.

markaa waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada inay maalgashi ka sameeyaan xaga beeraha, xaga xoolaha, xaga kaluunka, xaga warshadaha, runtii waxaanu jecelnaha toddobaadkii maalin ama laba maalmood hadii aynu nahay muwaadiniinta Somaliland inaanu wax kale cunin wixii wadankeena ka soo baxay mooyee”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *