Wasiirka Caafimaadka Oo Mamnuucay Xayeysiisyada Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa wargeeto uu maanta soo saaray waxa uu ku mamnuucay Xayaysiisyada Caafimaadka ee aan soo marin Wasaaradda Caafimaad.

Wargeetada uu Wasiirku soo saaray ayaa u dhignayd sidan:-

Ujeedo Wargelin

“Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan isgaadhsiinta, Idaacada, Telesom, Somtel, Wargeysyada, Warbaahinta muqaal arraga, mareegaha degelada wararaka, in lamamnuucay sii-deynta iyo xayaysiisyadda ku taxaluqa fariimaha caafimaadka iyo daweynta dadka ee aan soo marin qaybta Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Caafimaadka.

Markaanu ogaanay in warbaahinta laga sii daayo dad aan khibrad caafimaad u lahayn , kana haysan ogolaansho ruqsadeed Wasaaradda Caafimaadka, taas oo ku keeni karta bulshada waxyeelo caafimaad daro.

Markaanu eegnay fariimaha caafimaadka ee laga siidaayo warbaahinta in aanay waafaqsanayn siyaasada Wasaarada Caafimaadka.

Waxaanu go’aasanay in aanu soo saarno wareegtadan oo dhaqan gelidoonta maanta oo ay bishu tahay 09/01/2015, sidaa darteed waxaanu idin faraynaa inaad fulin doontaan ku dhaqanka wareegtadan, waxaanu idinka rajaynaynaa inaad fulin doontaan wareegtadan.”

somaliland_animated_flag




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *