Wasiir Xirsi Guusha Dhabta Ee Waxqabadka Horumarinta Bulsha Qalinkii Mr Hindi

Wuxuu ahaa Engineer, chemistry-yaqaan iyo bashar wax curinta iyo hindisidu u fududahay, mar kastana soo bandhiga. Wuxuu ku dhashay sanadkii 1833 Sweden… Subax boqolaal sano maanta laga joogo ayuu wargeysa Faransiis ah bogga tacsida magaciisa oo ku yaal akhriyay laguna sheegayo inuu dhintay waxaaan ku qoraa weedhahan: xirsi “The merchant of death is dead,” “Ganacsadihii Geerida ayaa dhintay” Waxa dhintay ninkii ka ganacsan jiray geerida. Aad ayuu u yaabay ninkan dadaalayay ee dunidan ku soo kordhiyay waxtar In erayadan lagu xusuusanayo ay yihiin kuwo dil iyo baaba’ ah waxtarna bulshada u lahayn. Wuxuu aad ula yaabay qaabka loo adeegsaday weedhahan oo ay ka muuqatay nacayb loo qabay iyo xasad, taasi ayaa ku keliftay inuu isla maraakaba hindiso wax cusub oo ka yaabiya. Qofka oo lagu sheego inuu dhintay isagoo nool waa wax marar dhaca, laakiin erayada la adeegsaday ayaa ka turjuma nacaybka iyo xasadka hadalkaa loo leeyahay ama loo qoray. Madaama uu ahaa nin aqoon iyo curin leh , markiiba wuxuu hindisay in nabad lagu xasuusto uu dunida kaga tago halkii ay ka qori lahaayeen geeri. Ninkaasi waa ALferd Nobel oo curiyay dynamite-ka halkaasi ayuu ka bilaabay Abaalmarinta NOBEL PRICE , waxaan lagu bilbaabay $ 9 milyan oo uu lahaa, ilaa maanta magaciisa Nobel waa la maqlayaa isagoo dhintay 1896. Dadka curinta iyo dadaalka lihi dhib kuma hayso erayada kuwa cabsida siyaasadeed ku jirto, markasta waxay sameeyaan wax ka duwan waxay ku hadlayaan ama adeegsanayaan. Maanta dalkeena wax ka buuxsamay colaadii siyaasiga gaboobay oo kii yaraana ku barbaarinaya cadaawad iyo danaysi. Dadaalka Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali maaha mid joogsanaya , waa mid ay wado juhdi iyo awooda ku jirta ,waana mid isbed bedalaya oo aydaan la qabsan Karin. Hadal iyo xasadna laguma joojin karo. Waxay leeyihiin waxaan cidina ku guulaysan Karin ayuu wadaa (dhismaha wadooyinka)?….. Xikmad ayaa tidh: “If you try and lose then it isn’t your fault. But if you don’t try and we lose, then it’s all your fault.” Haddii la isku dayo in la sameeyo laakiin ay suurtageli weydo, ma jiro khalad, laakiin haddii aan la tijaabin lana gaadhi waayo waa kaasi khaladka ama caajisku”… Waxaana la ogodaay isku daygu inuu yahay geesinimada runta … Wadadooyinka haddii wax yar la dhiso waa guul waayo mabay jirin. Ma jiro maamul mar keliya wax kasta oo dalka ka dhiman wada qabanayaa mid kastaa mudada uu joogo waxa waajib ku ah in aanu hagran dalkan iyo dadkan, waxaana lagu qiimaynayaa fursadaha iyo maaliyadda uu helay siduu uga faa’iidaystay iyo inay isu dheelitiran yihiin wixii gacanta dawladda soo galay iyo waxqabadka uu la yimi. Madaxweynaha maanta tallada hayaana waa Mujaahid hore naftiisa iyo maalkiisa ugu huray dalkiisa xorayntiisa, oo welibana hawl geliyay Wasiirro uu ka mid yahay Mud.Xirsi Cali oo isna dedaal iyo kartidiisa ku taageeraya sidii guul dhamaystiran loo gaadhi lahaa. Kama hadli karno horumar iyo koboc dhaqaale intaynu nahay kuwo aan waxba curin Karin oo ah isticmaaayaal qalbi la’ oo wax matarayaal ah , kuna jira dhaleecayn iyo hadal joogto iyo belo sheeg. Kuwan innagu asqaysiiyay shirar iyo waxba lama qaban waa danaystayaal hore u soo wada qabtay maamulo goobihii ay maamuli jireen aan kaga tegin wax lagu xusuusto. Dacaayadda iyo isku hadalku Waxay hadda noqotay cudur xun oo bulshadii asiibay illaa ay gaadhay in wax kasta la qoro ama lagu hadlo si run loogu qaato. Wasiir Xisri wuxuu samaynayaa mahadho aan dhammaan sida NOBEL oo kale… Inta ay naxdin kugu hayn lahayd waxqabadkiisu , adigu isku day inaad keento wax bulshada faa’iido u leh oo lagugu xusuusto, kaana dejiya werwerka (Stress) aad ka qaaday waxqabadka masuuliyiinta dadaalka iyo kartida badan. “The year you were born marks only your entry into the world. Other years where you prove your worth”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *