Wasiir Cusub Oo Loo Magacaabay Wasaaradda Cadaaladda & Garsoorka Somaliland

Hargeysa(Raacdo.com):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu wareegtadii uu maanta soo saaray kadaba keenay wareegto kale oo Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ugu magacaabay Axmed Faarax Cadare, oo horey u ahaa Wasiir-xigeenka Amniga Somaliland.

Sidaa waxa uu Madaxweyne SIILAANYO ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo caawa fiidkii kasoo baxay qasriga madaxtooyada kaasoo u qornaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3638/102015 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:               Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:     Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:               In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:            Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:    In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha)

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *