Washington Times “Kumanaan Ciidamo Maraykanka Ah Ayaa La Daalaa-dhacaya Cudurro Maskaxiyan Ah.”

Washington (Raacdo.com):- Wargayska Washitong Times ayaa sheegay in 22 Kun oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ee kasoo dagaallamay dalalka Afghanistaan iyo Ciraaq ay la bukaan cudurro masakaxda ah.

Wargeyska ayaa intaa ku daraya in dhamaan askartaas shaqada laga fadhiisiiyay sababo la xadhiidhay anshax xumo iyo xanuuno dhimirka ah.

Washitong Times ayaa soo xiganaysa war ay baahisay idaacada guud ee dalka wuxuuna tilmaamayaa in qeybo badan oo ka mid ah askartaas aanay helin shaqo-ka-fadhiisin iyo xaqooda ixtiraamka kadib markii shaqada laga eryay iyo waliba wax kaalmo caafimaad ah.

Idaacadda warkan diyaarisay oo khamiistii baahisay ayaa tilmaantay in ciidamada Maraykanku ay noqdeen kuwa ugu badan ee shaqada laga eryo sababo la xadhiidhay cudurrada masaxkada iyo anshax-doorsoomin iyagoo la dhibaataysan cudurro ku dhaca dhimirka, waxayna leedahay warbixintu halkii lala tacaali lahaa ciidamada lana siin lahaa daawooyin ayaa shaqada laga eryaa.

Cris Lafni oo ah dagaalyahan hore hadana qaabilsan la-tacaalidda cudurrada maskaxda ee askarta Maraykanka ayaa sheegaya dhankiisa in ciidamada Maraykanka ee kasoo noqday dagaallada in aan lagu xukumin qaanuun la-dejiyay 2009-kii kaas oo qorayay in la damaanad-qaado askarta xanuunsata si fiican loola dhaqmo ciidamada qaba xanuunada dhimirka iyo maskaxda.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegaya in cudurrada ay ciidamadu kasoo dhaxlaan dagaallada ay caadi ka noqdeen gudaha millateriga Maraykanka, iyadoo qaar ka mid ah ciidamada xanuunadaasi haleelaan ay iska soo kabsadaan halka kuwo kalena ay weli la il-daran yihiin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *