Wasaarada Hawlaha Guud Oo Ciidan Soo Dul Dhigtay Dhismaha W.Boosaha Somaliland Oo Qayb Ka Mid Ah La Sheegay In La Iibiyay Iyo Wasiirka Iyo Agaasimaha Oo Afka Ka Xidhay.

“Dhulkan la sheegay in la iibiyay ayay Wasaarada Boosuhu hore ugu amartay dad danyar ah oo Meherado yar yar ku haystay inay Bineeyaan iyo qaar kood oo Quful lagaga dhuujiyay albaabka”.
Hargeysa(CS) – Shalay aroortii hore ayay wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland ciidan bilays ah soo dul dhigtay qayb ka mid ah dhismaha ay ku jirto wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ee ka soo horjeedka Dhakhtarka Weyn ee Magaalada Hargeysa,halkaasi oo la

sheegay in la iibiyay islamarkaana waxa ay wasaarada Boosuhu hore amar u siisay inay ka guuraan dad meherado yar yar halkaasi ku hasytay,iyadoo shalay la arkayay qaar ka mid ah dadkaasi oo markii laga qufulay meheradahoodii dul gaaf wareegaya.

Shalay Abaaro 8:30-kii Barqanimo ayaa ciidan bilays ah la soo dul dhigay dhismaha qaybta dhinaca bari xigta ee wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland ee ay ku jirtay shirkadii Soltelco ee kacday,waxaana la sheegay oo ciidankaasi goobtaasi keenay wasaarada Hawlaha Guud iyo guryaynta Somaliland oo iyadu ka wakiil ah dhismayaasha dawlada,waxa sidoo kale la sii xidhay oo ay wasaarada Boosuhu amar ka guuris ah ku sii amartay dad danyar ah oo meherado tukaano ah ku haystay dayrka xarunta shirkadii Soltelco ay ku jirtay ee wasaarada boosaha oo ah goobtan muranku ka taagan yahay. Agaasimaha guud ee wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh ayaa markii ciidankani la soo dhigay dibada dhismaha wasaaradiisa uga soo baxay islamarkaana ciidankii ku amray inay meesha iskaga tagaan oo ay shaqadooda qabsadaan waxaana la sheegay inay ciidankaasi u sheegeen agaasimaha inay shaqadoodii haystaan oo ay amar shaqo ku yimaadeen goobtaasi.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee ciidanka loo soo dhigay dhismaha wasaarada Boosaha Iyo isgaadhsiinta Somaliland balse sida ay noo xaqiijiyeen dad wargaleen ahi, dhulkani oo ah qabtay shirkada Soltelco ku jirtay ayaa la sheegay in laga iibiyay qaar ka mid ah ganacsatada waa weyn waxaana warkaasi uu gaadhay wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland oo sharci ahaan ku doodaysa inaan waxba laga soo ogaysiinin iibinta dhulkaasi. Agaasimaha guud ee Wasaarada Boosaha Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaanu Shalay ugu tagnay xafiiskiisa wasaarada wakhti ku siman shalay aroortii markii ciidanka la keenay goobtaasi,agaasimuhu waa uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arintaasi waxa uu ugu jawaabay erayo kooban wariye wargeyska Foore ka socday oo ka codsay inuu arinta laba eray ka yidhaahdo,waxa uu wariyihii u sheegay inaanu arintaasi ka hadli Karin islamarkaana aanu wax tafaasiil ah oo uu ka yidhaahdo garanayn,waxa uu sheegay inuu imika uun arkayo waxa socda oo aanu hore ula socon waxa uu isku dhaafiyay wasiirka in arintani wax laga waydiiyo waanu diiday inuu agaasime ahaan faro galiyo arintaasi. Sidoo kale wasiirka wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Maxamed Jaamac Abgaal oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino arintan ayaanay noo suurta galin inaanu helno kadib dhawr jeer oo aanu garaacnay telefankiisa gacanta oo uu naga qaban waayay.
Xigasho Foore.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *