WARBIXIN: Natiijada Dagaalladii Xaley Lagu Qaaday Saldhigyada Lafoole & Afgooye

Muqdisho (Raacdo.com):- Dagaalladan ayaa xalay ka kala dhacay Saldhigyo Kala Ah: Mukeyga, Saldhiga Afgooye, Controlka Baar Ismaaciil, Carbiska, Calamada, iyo Shanta Lafoole.

Sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka xarakada Al-Shabaab, guud ahaan weeraradaais waxaa lagu dilay 25 Askari, Tiro kalena waa lagu dhaawacay.

Xoogagga Xarakada Al-Shabaab ayaa waxay dagaalladaasi ku qabsadeen 2 gaadhi oo nooca dagaalka ah oo ay saaran yihiin laba Dhashiike. Sidoo kalena waxay ku qabsadeen rasaas kala duwan iyo qoryo fud-fudud oo ay ku jiraan rasaasta boobayaasha ah.

Dagaalkan oo ahaa mid loogu awood-sheegtay ciidamada dawladda Somaliya ayaa lagu gubay ilaa 4 gaadhi oo ay wateen ciidanka Dawladda Somaliya.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa waaberigii dib ugu laabtay saldhigyadooda iyagoo wata hubkii iyo gaadiidkii ay kasoo furteen ciidamada dawladda Somaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *