Warar Cusub: 30 Qof Oo Lagu Dilay Dagaallo Dib Uga Qarxay Bariga Wadanka Itoobiya.

Tobanaan qof ayaa lagu dilay dagaallo culus oo dib uga qarxay gobollo katirsan wadanka Itoobiya oo sanadadii lasoo dhaafay ay ka jireen kacdoonno ay dhigayaan mowmiyadaha kala duwan ee wadankaasi dega.

Wararka ka imaanaya Bariga Itoobiya waxay sheegayaan in iska hor’imaadyo dhaliyay dhimashada 30 qof ay ku dhaxmareen ciidamada loo yaqaan Liyuu Booliska ee dowladda Itoobiya taabacsan iyo dad katirsan qowmiyadda Oromada.

Wargeyska Addis Standard ayaa daabacay warbixin uu ku faah faahinayo dagaallo faraha looga gubtay oo ciidamada Itoobiya iyo dadka deegaanka ku dhaxmaray magaalada Mieso, ugu yaraan 30 qof oo aybciidamo kamid yihiin ayaa la xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay.

Warbaahinta oo ka sheeganaysa caburin iyo ciriirin ayaa soo tabisay waxyar oo kamid ah xaqiiqooyinka kajira wadanka, Nin lagu magacaabo Cabdi Ladiif Kerero oo Farriin qoraal u diray Wargeyska Addis Standard ayaa sheegay in aysan u dul qaadan Karin in raggooda la dilo, la kufsado gabdhahooda iyo in Burcadda taageeradda ka hela Liyu Police-ka ay dhacaan xoolaha Lo’da ee dadka Deegaanku dhaqdaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadka Liyuu Booliska loo yaqaan oo dowladda Itoobiya ay ku faafisay gobolka Oromia ay geysanayaan gabood fallo daran islamarkaana ay kufsanayaan hablaha muslimaadka iyagoona boobaya hantida dadweynaha.

Maleeshiyaadkan oo kasoo jeeda dhulka Somaligalbeed ayay dowladda Itoobiya ugu talagashay in ay ku damiso kacdoonka ay dhigayaan dadka kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ah qowmiyadda ugu ballaaran wadanka Itoobiya.

Magaalooyinka Harar iyo Gonder ayaa iyana lagasoo sheegayaa iska hor’imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogaga mucaaradka ah ee doonaya in ay ridaan Taliska Tigreega ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa.

Xigasho: Somalimemo




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *