War Deg Deg: Mawjado Shacabka Reer Gabiley Ah Oo Ku Sii Qul Qulaya Goob Lagu Qabanayo Banaan Bax Lagaga Soo Horjeedo Gudidii Dhawaan Ganacsade Ina Awsiciid Lacagta Ku Siiyay Burburinta Midnimada Beesha.

Mawjado Shacabka Reer Gabiley Ah ayaa Ku Sii Qul Qulaya Goob Lagu Qabanayo Banaan Bax Lagaga Soo Horjeedo Gudidii Dhawaan Ganacsade Ina Awsiciid Lacagta Ku Siiyay Burburinta Midnimada Beesha kuwaasi oo faraha la galay arimo siyaasadeed oo lagala soo dardaarmay wakhtigii shirkii lagu soo doortay ee Agabar beelaha Sacad Muuse ku qabsadeen.

qaban qaabada banaan baxan ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan Gobolka Gabiley waxaana aad arkaysaa dad badan oo rag iyo dumar iskugu jira oo ku sii qul qulaya goobta banaan baxani ka dhacayo oo magaalada Gabiley dhexdeeda ah,kuwaasi oo ay wajiyadooda ka muuqato cadho ay u qabaan gudidii biidhi qaatayaasha ahaa ee lacagta uu u qaybiyay Ganacsadaha xoolaha xaaranta ah dhaqday Maxamed Awsiciid,ee masiibada kala qaybisay oday dhaqameedkii ku soo dhex tuuray kuwaasi oo nacdal dusha looga tuuray lana rajaynayo in maanta looga tuuro.
akhristayaal goor dhaw daawo wararka halkaasi ka soo baxa,anagoo mar walba diyaar u ah inaanu idinka qancin kalba wararka xiisaha leh ee ka soo baxa Somaliland iyo daafaha dunidaba.

Alaah Mahadleh.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *