War Deg Deg Ah: Diyaarada Nooca Dagaalka Ah Oo Itoobiya Leedahay Oo Ku Soo Dhacday Allaybaday Iyo Saraakiil Dawlada Itoobiya Ka Socda Oo Ku Sugan Magaalada Allaybaday.

Diyaarad Hilicapter-ah oo nooca dagaalka ah oo Ciidamo Itoobiyaan ahi saarnaayeen ayaa la sheegay inay ku soo dhacday Habeen hore deegaan ka tirsan Degmada Allaybaday gaar ahaan dhulka Aayga ah ee Qadawga kadib markii ay habeen hore iyadoo jiif hoose ku duulaysa ay soo dhaaftay degmada Geedbalaadh ee Degmada Wajaale.

Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo saaka tagay guriga qaybta ee guriga cad loo yaqaan ayaa noo sheegay in ciidanka xogtaasi soo gaadhay islamarkaana baadi doon loogu jiro sidii loo soo heli lahaa halka ay raq iyo ruux cago dhigatay iyadoo Diraaradan laga baadi goobayo dhulka Aayga ah ee Allaybaday woqooyiga ka soo xiga halkaasi oo la aaminsan yahay inay ku dhacday,sidoo kale saraakiil dawlada Itoobiya ka tirsan oo ciidamada cirka itoobiya ah ayaa xalay soo gaadhay Magaalada Allaybaday iyagoo soo maray Degmada Wajaale oo galbeed ugu tuusan Allaybaday,waxaaana la sheegay inay ciidankani daba socdeen diyaarada islamarkaana ay soo mareen dhulkii ay soo kor martay ee dhinaca galbeedka Somaliland oo laga soo hagayay.
Dad ku sugan Tuulada Waalid Xoor iyo Degmada Geed Balaadh ayaa noo xaqiijiyay inay diyaaradaasi jirto oo ay habeen hore abaaro 4:00 habeenimo soo dhaaftay iyagoo sheegay inay xoolaha ka didisay islamarkaana ay hurdada ka toosisay,waxa ay sheegeen in diyaaradaasi oo joog hoose ku duulaysaa inay habeen hore u soo waydaaratay dhinaca Deegaamada Degmada Allaybaday oo Bari ka soo xiga tuulooyinkaasi ay noo sheegnay,dhinaca kale saraakiisha Itoobiyaanka ah ee diyaaradan baadi goobaya ayaa habeen hore soo gaadhay Magaalada Allaybaday iyagoo maamulka iyo dadka shacabka ah waydiinaya inay arkeen burburka diyaarad Hilicaptar ah oo nooca ciidamada ah oo ay saarnaayeen ciidan aanay tiradooda sheegin,waxa ay sheegeen inay aaminsan yihiin inay diyaaradaasi burburkeedu yaalo goob aan ka fogayn magaalada Allaybaday waxaana saacadihii u dambeeyay Degmada Allaybaday ku sii socda masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland si ay uga caawiyaan saraakiisha Itoobiya helista diyaaradaasi.
Waa markii u horaysay ee ay diyaarad itoobiyaan ahi ku soo dhacdo Deegaamo ka tirsan Allaybaday.
Allah Mahadleh.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *