“Waan Hubaa In Madaxweynuhu Cid Dhabarka Taabanayo,” Boqor Buurmadow Oo Ka Hadlay Loolanka Kulmiye

Hargeysa(Raacdo.com):- Boqor Cismaan Buurmadow, oo ka tirsan madaxda dhaqanka Somaliland, laguna tiriyo dadka xogogaalka u ah arrimaha madaxweynaha ayaa sheegay inuu hubo in madaxweyne Siilaanyo taageeri doono mid ka mid ah musharaxiinta Kulmiye, balse ma uu magacaabin cidda uu taageerayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Boqor Buurmadow in dad madaxweynaha ka agdhawi taageerayaan cid gaar ah, sidaasi darteedna loo arko in madaxweynaha laftiisu ciddaasi la taageersan yahay, balse ma cadda halka madaxweynaha iyo kaadiriyiintiisu taageerayaan.

“Haddii doorasho timaado madaxweynuhu ama shakhsigu cod ayuu leeyahay, markaa madaxweynuhu inuu murasharaxiinta mid codkiisa siinayo oo uu dhabarka taabanayo waan hubaa laakiin, warar aan ka hayo madaxweynuhu waxa uu iska ilaalinayaa inuu cid taageero laakiin, way dhici kartaa in xubno kale oo madaxweynaha loo tirinayaa inay cid taageeraan oo ay ka dhex muuqdaan waa loo tirinayaa,”ayuu yidhi Boqor Buurmadow oo wargeyska Saxansaxo u waramay isagoo Dubai ku sugan.

Waxa uu intaasi raaciyay “haddii madaxwyenuhu cod ku yeesho golalaha dhexe inuu cid siiyo waan rajaynayaa laakiin, waxa uu u muuqdaa hadda inuu ka odayeeyo si xisbigu aanu u burburin, waxaanu u taagan yahay in uu dhex dhexaad ahaado laakiin, waa laga yaabaa in xubno ka agdhawi ay cid taageeraan oo ay cid gacanta saaraan oo isagana loo tiriyo way dhici kartaa balse madaxweynuhu ilaa hadda inuu dhexdhexaad yahay ayay xaajadu u muuqataa,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Xisbiga Kulmiye waxaa ku loolamaya guddoomiye Muuse Biixi, Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo xildhibaan Kijaandhe, kuwaasi oo u taagan jagada Madaxweynaha ee Kulmiye, halka musharaxiin tiro badani ku loolamayaan jagada Madaxweyne xigeenka.

Ramaasnews




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *