VIDEO+SAWIRRO: Al-Shabaab Oo Tababar U Soo Xidhay Boqolaal Ciidan Ah

Muqdisho (Raacdo.com):- Mu’asasada Al-kataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay filim cusub oo lagu soo bandhigay ciidamo tababar loo soo xidhay.

Filimkan oo la daawan karo muddo 15 Daqiiqo ah waxay mu’asasada kusoo bandhigtay munaasabad lagu soo gabagabeynayay Mucaskar u furnaa dagaalyahanno, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Muhaajiriinta, kuwaas oo u muuqda kuwo tababarro casri ah ku qaatay xeryaha tababarka ee xarakada Al-Shabaab ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya.

Filimka ayaa ku bilaabanaya dhoolatus ay sameynaayan Ciidamada Muhaajiriinta ee tababarka milleteri soo dhammaystay.

Sheekh Cali dheere oo Ah Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa ciidamada ujeedinaya kalimad, waxaanu uga qisoonayaa dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee ay soo mareen muslimiinta Bariga qaaradda Afrika gaar ahaan Kenya iyo Soomaaliya.




One thought on “VIDEO+SAWIRRO: Al-Shabaab Oo Tababar U Soo Xidhay Boqolaal Ciidan Ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *