Uganda Oo Joojisay Tababaradii Ay Siin Jirtay Ciidanka Dowladda Somaliya.

Kampala (Raacdo.com):- Xukuumadda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan taageeradii ay siin jirtay ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada magaalada Kampala oo lagasii daayay warbaahinta afka dowlada ku hadasha ayaa lagu xaqiijiyay in la joojiyay kumanaankii ciidanka soomaalida ahaa ee sanad walba lagu tababari jiray xeryaha milleteriga wadanka Uganda.

Afhayeenka ciidanka UPD-ta Paddy Ankounda ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ay laaleen mashruucii ay tababarada ku siinayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

“Dowladda Uganda waxay joojisay tababaridda ciidamada SomaliYa oo ka mid ahaa shaqada ay Q.Midoobe u xilsaartay dowladaha ka qeyb-qaadanaya Howlgalka AMISOM” ayaa lagu yiDHi warka kasoo baxay dowladda Uganda.

Uganda waxay sheegtay in ay isisoo tartay cabsida laga qaabo suurta-galnimada in ciidanka loo tababarayo dowladda Federaalku ay hubka la siiyo iyo khibradda milleteriba ula goostaan dhanka xarakada Al-Shabaab.

Saraakiil reer galbeed ah ayaa horey u sheegay in ciidamo DF-ka loogu tababaray xerada Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho ay isku dhiibeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin kadibna khibraddii ay kororsadeen lagula dagaalamay AMISOM.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *