Tobanaan Ka Tirsan Xuutiyiinta Oo Lagu Laayey Magaalada Taciz.

Taciz (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in la dilay in ka badan 42 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo Xulafadooda.

Ilo-wareedyo deggaanka ah ayaa laga soo xigtay in 23 ka mid ah ciidamadaas ay ku dhinteen duqaymo ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga Carbeed halka 19 kalena ay ku dhinteen dagaal toos ah oo ay la galeen xoogagga wax iska caabinta ee Yemen.

Diyaaradaha isbahaysiga Carbeed ee uu hoggaaminayo maamulka Sucuudi Carabiya ayaa duqaymo xooggan ka gaysteen garoonki hore ee magaalada Taciz, halkaas oo lagu soo warramaayo in kolonyo dhan lagu burburiyay.

Sidoo kale xoogagga suniyiinta ah ayaa dhankooda sheegaya in dagaal ay kula galeen Xuuthiyiinta magaalada Taciz lagaga dilay tiro ka mid ah askartooda, 19 kalena lagu dhawaacay halka xuuthyiinta ay gaadhsiiyeen khasaare lixaad leh sida ay sheegteen.

Maleeshiyaadka Shiicada Xuuthiyiinta ah iyo kuwa Cali Cabdalla Saalax huggaamiyihii hore ee dalkaas ayaa isku dayaya in ay dib u soo ceshadaan gacanku-haynta magaalada Taciz waxayna ku hayaan hareerayn ba’an, iyagoo mararka qaarna gantaallo ku garaaca.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *