TIIH — Maanso Uu Curiyey Abwaan Axmed Cismaan Batuun

Maansadan Waxaa La Yidhaa TIIH Waxaana Curiyay Axmed Cisman Batuun maansadan koobani waxay ka hadlaysaa mooganaanta iyo sida bulshadu ay danteeda iyo horumarintooda uga sii jeedaan waana baraarujin iyo toosin si toosa ula hadlaysa dadka waxaanay ku bilaabmaysaa:

Taranoow nasiibkaa

Tabcashooyna yeelkaa

Tiigsiga qorshuhu gabay

Kama taagna faallee

Tabashada xalkeed reeb

Ku tuntuunso mooyee

Haka filan tab iyo xeel

Aqoontiina lagu tumay

Gurayoow tilmaantiyo

Tusaalana dharaarahan

Tufba yeelan waayoo

Waxa tuban fagaaraha

Taar wale ibalys iyo

Talo bixiye shaydaan

Isu tabiye beentoo

Runta loogu taagwaa

Umadyahay tabaalaha

Iyo Tiiha lagu dhibay

Shacbiyohow tudhaalaha

Turxaan looga dhigayee

Ku tasoobay meel dhexe

Bulshayahay tisqaadkeed

Danaystuhu tashuush iyo

Uga dhigay tumaatida

Is tirsiga qabiilkiyo

Sheegashada tun waynida

Iyo tamashle beenaad

intaad toocinayseen

Maxaad gabayo tuurteen

Tabac iyo han lumiseen

ka tagteen abwaan iyo

Tusmo iyo hormaynoo

La tirtiray qoraalada

Taariikhda koobsada

Maxaa tooshka nuurka leh

Boog lagu tilmaamiyo

Talo iyo wax sheeg iyo

Baylah aad tabaysaan

Qof yidhaa ku taakuli

hawsha taagan goortaa

Una toosi weedhaha

oo dantiisa uga tagay

Inuu tiinna maamulo

Cidlo kaga tagteenoo

Markaad taabi waydeen

Idinkoo is daba tuban

halkii ugu timaadeen

Muxuu qalinka tiigsaday

Saxafiga tilmaamani

Qorshe tabanna sheegoo

Intuu faallo wayn taxay

Ka tashada markuu yidhi

Laga tuuray meel dheer

Walaf tababarkiisii

Gondihiina taagnaa

Makhluuq aan idiin tolin

Maxaad eed u tabiseen

Inta aad tahriib iyo

Taakulo shisheeyiyo

U tartamayso ceebaha

wallee tiir ma dhisataan.

Axmed Cisman Batuun…2017




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *