Suxufiyaddii Maanta La Qarxiyey Geeriyootay

Muqdisho (Raacdo.com):- Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa galabta ku geeriyootay Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Idaacada iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliya.

Wariye Hindiya ayaa u geeriyootay dhaawac culus oo kasoo gaadhay qarax loogu soo xidhay Gaadhi nooca raaxada ah oo ay wadatay xili ay kasoo baxday Jaamacadda SIU ee Magaalada Muqdisho oo ay wax ka baranaysay.

Hindiya ayaa ka mid ahad Wariyeyaasha ugu fircoon ee ka howl-gala Warbaahinta Dowladda gaar ahaan Radio Muqdisho, waxa ayna caan ku ahayd akhridda Wararka ku baxa Luqada Afka May Mayga iyo barnaamijka Ganacsiga ee Radio Muqdisho.

Warfidiyeennada taageera Al-Shabaabta ayaa dhankooda sheegay in gabadhani ay ka tirsanayd DF-ka Somaliya, isla markaana ay dhanka sirdoonka kala shaqayn jirtay Shisheeyaha AMISOM.

Wariye Hindiya Xaaji Maxamed ayaa u dhaxday Liibaan Cali Nuur oo isna ka tirsanaa Wariyeyaasha Tv-ga iyo Idaacada Dowladda oo isna lagu dilay Weerar ay Al-Shabaab sanado ka hor ku qaadeen Makhaayadda The Village ee Degmada Xamar Weyne.

Ammaanka gobolka Banaadir ayaa ah mid faraha kasii baxaya waxaana magaalada joogta ka noqday qaraxyada iyo dilalka ka dhanka ah dhammaan dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *