Suldaan Abu-Sufyaan Oo Madaxwayne Siilaanyo Ku Hambalyeeyay Fulinta Qisaasta Dil Sugayaasha.

Hargaysa (RNN):- Suldaan Maxamed Muuse Nuur (Abu sufiyaan) oo kamid ah Madax-dhaqameedka Beesha Muuse Dheriyo  ayaa waxaa u soo dhaweeyey Qisaastii dhawaan lagu sameeyay lixda qof ee dil sugayaasha ahaa.

Suldaanka ayaa shacabka Somaliland usoo jeediyay inay xukuumada ku raacaan wixii sax ah ee ay qabato xukuumaddu, sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyay Shabakadda Raacdo.com, qoraalkaasi oo dhamaystiranna waxa uu qornaa sidan:-

IIAAHAY waxa uu quraanka ku yidhi “qisasta nolol aya idinku jirta dadkiina caqliga usaaxiibaw si aad ubaqataan ayaana qisaasta la idinku jideeyay” nolol ba idinku jirta qisaasta , ilahay waxa uu galiyay qisaasta nolalasheena.

Waxaan ognahay in aynu nahay dad muslimiina calankenana waxa ku qoran kalmada tawxiidka taas oo  katarjumaysa in aynu nahay dad muslimiina sida awgeed waxa lilaahay ina farayaa in aynu qisasta fulino sida awgeed udheg jalaqsiin mayno cidkasta oo arinkaa kahor timaada ha ahadeen kuwo dawlada sheeganaya ama kuwo yuribiyaan sheeganayaba.

Cidkastaba ha ahaatee wa inaan loo joojin ceeb ayay inagu tahay inaynu waxaasoo kale dhagaysano inagaa dalkeena iyo dadkeenaba wanaagiisa cidwalba uga ogaal badan.

Xukuumadana arinka qisaasta waan  kutaageer sanahay oo waa arin waajib ku ah in ay fuliso diin ahaan iyo caqiida ahanba marka shacabku ha isku bar bartaagaan wixii wanaaga ee xukumadeeno fulinayso

 

 Suldaan Abu-sufiyaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *