Soomaali-Ingiriis Sahayday 50 Askari Oo Ciraaqiyiin Ah + Soomaali Kale Oo Lagu Dilay Suuriya

Baqdaad (Raacdo.com):- Dagaalyahano Soomaali ah ayaa mar kale lagu dilay wadamada Suuriya iyo Ciraaq iyagoo dagaal kula jira ciidamada shiicada iyo Nuseyriyiinta kuwaasi oo xasuuq ku haya shacabka muslimiinta Sunniga ah.

Wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegay in mujaahid Soomaali ah uu ku shahiiday dagaallo culus oo ka dhacay waqooyiga Suuriya oo dagaallo culus ay ku dhex-marayaan jihaadiyiinta iyo ciidamada Bashaar Al-asad ee taageerada ka helaya dowladda Ruushka.

Mid ka mida muntadayaadka jihaadiga ah oo ay ku kulmaan taageerayaasha mujaahidiinta ayaa la sheegayaa in lagu soo qoray war kooban oo taczi ah waxaana lagu xaqiijiyay in uu Suuriya ku shahiiday dagaalyahan Soomaali ah oo la sheegay inuu xubin ka ahaa muntadayaadka Jihaadiga ah.
Dagaalyahankan Suuriya ku shahiiday ayaa la sheegayaa inuu ahaa khabiir dhanka cilmiga IT-ga ah, isagoo duruus ka bixin jiray muntadaha Alqimmah ee afka Soomaaliga ku hadla.

Sidoo kale Abuu Khaalid Al-Somali ayaa la sheegayaa in weerar naf-hurnimo ah ka fuliyay duleedka magaalada Rammaadi ee xarunta gobolka Al-Anbaar. Bayaan kasoo baxay dowladda Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in Abuu Khaalid Albiridaani oo asalkiisu Soomaali yahay uu weerarkan ku qaaday kuna galay goob isku imaatin ooo ay ku sugnaayeen ciidamada xukuumadda Ciraaq, wuxuuna halkaasi ku dilay in ka badan 50 askari.

Abuu Khaalid ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa tobaneeyo dhalinyaro Ingiriis ah oo sanadadii lasoo dhaafay aaday wadamada Ciraaq iyo Suuriya kadibna ku biiray xoogaga Khilaafada Dawladda Islaamiga Ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *