Somaliland: Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Madaxweyne Siilaanyo yahay murrashaxooda rasmiga ah

Hargeisa (Codka SOmaliland)- Xisbul-xaakimka KULMIYE ayaa caddeeyay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu yahay murrashaxooda rasmig ah ee uga qeyb geli doona doorashadda madaxtinimadda ee lagu wado inay wadanka ka qabsoonto badhtamaha sannadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka.

Xisbiga KULMIYE waxa ay sheegeen in Guddoomiyaha xisbiga iyo Madaxweynaha Somaliland aanay jirin kulan ay isku soo hor-fadhiisteen oo ay iskugu dambaysay munaasibaddii maalintii Ciidul adxada, sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed xisbigu ka soo saaray warar sheegayay in madaxweynaha Somaliland ka tanaasulay inuu mar labaad u tartamo doorashadda madaxtooyadda, waxaanay arrintaasi ku sifeeyeen been abuur iyo waxba kama jiraan.

War-murtiyeedkaas oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md.Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel), isagoo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:- “Xisbiga KULMIYE Wuxuu si cad u Beeninayaa Warka Sabtidii ku Soo Baxay Labada Jariidadood ee kala ah Ogaal iyo Geeska Afrika ee lagu Sheegay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Go’aansaday inuu ka Tanasulay Murashaxnimadiisa Doorashada Madaxtoyada ee 2015-Ka ka dhici doonta Dalka. Iyadoo Warkan Lagu Sheegay inuu Madaxweynuhu Go’aankiisa ka Sheegay Laba Kulan oo Madaxtooyada ka Dhacay oo ay Goob joog ahaayeen Xubno Kooban Oo Golaha Wasiirrada ka mida iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Haddaba, Madaxda Sare ee Xisbiga KULMIYE oo Shir ay (Maanta po Ah Axad 12-10-2014), Isugu Yimaadeen Xarunta Xisbiga Kulmiye oo Ay Kaga wada Hadlayeen Warkaa Been Abuurka ah ee Ku Soo Baxay Labadaa Jariidadood, Wuxuu Gudoomiyaha Xisbigu Halkaa Ka Cadeeyay In isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo ay is Aragooda ugu danbeysay Maalinti Ciidal Adxada.

Maalintii Madaxweynuhu Dhoofayay iyo Afartii Malmood ee Ka Horeeyayna uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Bixii Cabdi iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Koowad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Iyo Madax kale oo Ka mida Madaxda Xisbiga iyo Xukuumaduba Waxay ku Mashquuleen Baadigoobkii Maydkii Marxuum Nuux Xuseen ee Daadku ku Qaadey Dooxa Dacar budhuq.

Haddaba,Hoggaanka Sare ee Xisbiga KULMIYE Wuxuu si Buuxda u Cadaynayaa inu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Yahay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ee Doorashada 2015-ka ka Qabsoomi Doonta Dalka.

Waxa La Wada Xusuusan yahay inay Markii hore Jireen Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Laba Murashax Madaxweyne oo kala ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Arrintaasi oo Sababtay Xisbiga dhexdiisa Khilaaf Culus Oo Xisbiga kala Qaybiyay,balse kadib, markay labadooda Murashax gaar u Wada Hadleen ayuu Gudoomiyaha Xisbigu ku dhawaaqay inuu Murashaxnimadii Madaxweynenimo uga Tanaasulay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Sidaa ku Noqday Murashaxa Kaliya ee u Taagan Xisbiga KULMIYE,Sidaana u Taageerro Buuxda ula Taagan yahay Hoggaanka Sare ee Xisbigu.

Xisbiga KULMIYE wuxuu Ummadda reer Somaliland u Cadeynayaa inay Arrimaha Doorashooyinka iyo soo saarida Murashaxniinta ay yihiin Arrimaha Xisbigu ku Shaqo Leeyahay iyadoo ay Tallaabo kasta kala Tashanayaan Madaxweynaha oo ah Odayga Xisbiga,Sidaas Daraadeed, Waxaanu Ummadda Reer Somaliland u Sheegaynaa inaanay Dheg u Dhigin Wararka been Abuurka ah ee had iyo jeer laysla dhex maro,balse kaliya ay wax ku qabsadaan wixii war ah ee Rasmiya ee Ka soo baxa Xisbiga KULMIYE.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *