Somaliland: Xildhibaan Xasan Shahar “Xildhibaanno Ayaanu Nahay, Maayar Dhaqankaaganna waad Dabarsan doontaa”

Hargeysa (Codka Somaliland)- Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid, iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka ee doortay ayaa warbaabinta iska weeraray, waxaanu Maayarku qorshihii xildhibaanadu kula xisaabtamayeen u bedalay waji siyaasadeed, waxaanu ku dooday inay koox yar oo faro ku tiris ahi eryanayso.

Maayar Cabdiraxmaan Soltelco waxa kale oo uu aflagaadeeyay qaar ka mid ah xildhibaanadda ka soo horjeeda, waxaanu ku faanay inuu wax-qabad sameeyay, waxaanu marag u qabsaday warbaahinta dalka.

“Waa Nasiib-daro qofku inuu garan waayo waxa uu ka hadlayo, miisaaniyadayadu waxa ay ku salaysnayd korodhka miisaaniyadii 2013 iyo 2014 oo farqiga u dhexeeyey yahay korodhka aanu miisaaniyada kordhinay bishii 9aad ayuunbuu xisaab hayaa isagoo guddida dhaqaalaha ka mid ah haddana inuu beenta intaa leeg ka sheego xildhibaanku isagay u taalaa,”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa oo maanta warbaahinta la hadlay ka dib buuqii hadheeyay fadhigii Golaha Deegaanka Caasimadda.

Maayarka waxa uu naqdiyay Xildhibaan Cismaan Waxar oo farta ku fiiqay dhaliililihiisa, waxaanu yidhi “Waxa uu yidhi waxa soo baxay macal kabkii, waxaanad wada ogtihiin in kabkii lagu galay diiwaangalinta oo arin qaran ahayd, waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicdii 5% lama qaban taa anigu waxa aan markhaati uga dhiganayaa shacabka iyo warbaahinta, wadadaa dhexe ee ka soo bilaabanta Halaya ee ku joogta Buurta-kala Jeexan ee dawladda dhexe iyo dawladda hoose iska kaashadeen anagoo madaxweynaha uga mahad celinayaa hawshaasi uu nala galay.”

Maayarka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Qof kursigani uu u muuqdo waa uu doono ayuu ku hadlayaa, waxaan leeyahay illaahay ayaa bixiya masuuliyada iyo maamulka, qofku inuu dhaleeceeyo cid maaha, aniga iyo Cismaan Waxar way na kala taqaanaa ummadu kaayaga musuqmaasuq lagu eedayn karo ee kiisas ka yaalaan dawlada Hoose ee todoba Maayir halkan ka eryeen isaga oo shaqaale ah waa la yaqaanaa.”

Xildhibaan Xasan Shahar oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhaqammadda maayarku la soo baxay uu dabarsan doono mustaqbalka dhow “waxaanu jecel nahay inaad qaadato waanadayada iyo tallooyinkayaga, waxaanu kugu waaninaynaa oo kugu toosinaynaa wixii sharci ah.

Maayar haddii aad maanta is tidhaahdo sharciga jiidh, annagu xildhibaanno ayaanu nahay ee adigaa kursiga ku fadhiya, dhaqankaaganna waad dabarsan doontaa.”

Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malow oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deegaanka ayaa kalitalisnimo ku eedeeyay Maayarka Caasimadda, waxaanu yidhi “Talladii aanu kuu soo qornay oo ay 12 Xildhibaan saxeexeen oo ka kala hadlayay qaab dhismeedka iyo isku shaandheynta Guddiyada Golaha deegaanka iyo qoddobkii la xidhiidhay in la sameeyo guddi qandaraas. Talladaasi illaa hadda waa ta muranka dhalinaysa. Miisaaniyaddii sanadkan 2014-ka ee bishii September xisaab xidhkeedu dhamaystirnaa mashaariicdii loogu tallo galay wixii ka hirgalay iyo waxaan ka hirgelin inaynu is weydiinno weeyaan. Qoddobadii aanu kuu soo jeedinay oo dhammi wali way taagan yihiin oo maad fulin, afartii qoddob ee aad adigu wadatayuna waanu kuu ansixinay.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *