Somaliland: Wasiirro ka Hadlay Faa’iidada Somaliland Ugu Jirtay Shir ay ka qeyb-galeen

Hargeysa (Codka Somaliland)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Muuse Qaasim iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa ka warramay natiijada iyo faa’iidada uga soo baxday Somaliland shir caalami ah oo ay kaga qaybgaleen dalka Turkiga.

Labada wasiir oo madaarka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa warbaahinta kula hadlay waxay sheegeen in shirkan oo ah mid maalgashi sannad walba meel dunida lagaga qabto lagaga hadlayey soo saarista khayraadka aan weli lala soo bixin iyo isdhexgalka si looga wada faa’iidaysto, isla markaana muddo laba maalmood ah oo uu socday ay uga faa’iidaysteen inay shirkado iyo dad badan oo kale ka dhaadhiciyaan Somaliland iyo khayraadka ku duuggan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, ayaa sheegay inay ku guulaysteen shirkado badan oo danaynaya maalgashiga Afrika inay fahansiiyaan Somaliland oo ay qorshaysteen inay yimaadaan ama ka qaybgalaan shirka maalgashiga Somaliland ee lagu qaban doono dalka Ingiriiska.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa yidhi, “Intii uu kulan kani socday waxaannu shirar gooni-gooni ah la yeelanay hay’ado badan oo danaynaya khayraadka ku duuggan Africa, markii aannu sharraxaad uga bixinay waddanka Somaliland inuu yahay nabad oo aannu tusnay qoraallo badan oo aannu qaadanay way yaabayeen oo madaxa ayey qabsanayeen, runtii shirkado badan oo reer Yurub ah ayaa arrinta daneeyey, annaguna waxaannu u sheegnay in shir maalgashiga Somaliland ah lagu qabanayo dalka Ingiriiska oo ciddii danaynaysaa halkaasi tagto, meelaha Somaliland ay aad u danaynayeen waxa ka mid ah maalgashiga xoolaha, dekedda Berbera, beeraha iyo macdanta, qaarkood ayaa toos ii waydiiyey oo yidhi na sii ciwaanka xidhiidhka madaxweynihiinna iyo wasiirka arrimaha dibadda, kadibna waxaannu ku nidhi idinsiinmayno ee ugu kaalaya shirka Ingiriiska,” ayuu yidhi Dr. Muuse Qaasim.

Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa isna xusay inay shirkaasi kula kulmeen masuuliyiin badan oo ka kala socday caalamka, “Shirkan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin tiradoodu kor u dhaafaysay 200 qof, annagu waxaannu la kulanay wasiirro badan, waxaannuna ka soo dhaadhicinay sidii Somaliland ay khayraadkeeda ugu soo saari lahayeen. Annagu waxaannu diirrada saaraynay xuduudaha Somaliland la wadaagto dalalka jaarka, waxaanan la kulanay dalal badan oo dani inaga dhaxayso,” ayuu yidhi Md. Mawliid.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *