Somaliland: Wasiirka Ganacsiga Iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Gaadhay London

Hargeysa (Codka Somaliland)- Wasiirka Ganacsiga Somaliland Mudane Muuse Qaasim iyo Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa maanta ka degay madaarka magaaladda London ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Wakiilka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaalle.

Wasiirka Ganacsiga iyo Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland ayaa ka dhoofay madaarka Magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, iyagoo ku biiraya weftiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka shaqo ku jooga London si ay uga qeyb galaan shirka lagu qaban doono Magaaladda London oo caalamka loogu soo bandhigayo fursadaha ganacsi iyo maal-gashi ee Somaliland oo ay ka qeyb galayaan Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska, ha’yada samofalka Ingiriiska, shirkado ganacsi oo ka socda dalal badan oo adduunka ku yaala.

Shirkan ayaa furmi doona 14-ka Bishan oo ku beegan maalinta Salaasadda ee fooda innagu soo haysa. Shirkan ayaa ah mid qeyb ka ah qorshaha xukuumadda Somaliland ku doonayso inay caalamka ugu bandhigto fursadaha ganacsi iyo khayraadka daah-furka u baahan ee Somaliland Alle ku manaystay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *