Somaliland: Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Taliyihii Saldhiga Booliska Arabsiyo oo La Dilay

ALLE ha u naxariistee waxa maanta ku geeriyooday cisbitaalka Hargeysa Taliyihii Saldhiga degmadda Arabsiyo Marxuum-Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-case), ka dib markii uu toogtay askari ka tirsanaa saldhigiisii oo uu doonayay inuu ku soo xidho magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley. Sarkaalka geeriyooday ayaa u dhaawac dhintay xabadii askarigiisii ku dhuftay.

Maayerka degmada Arabsiyo Cabdilaahi ayaa sheegay in Askarigan dilka geystay oo la yidhaahdo Mawdllid Maxamed Suudi ayaa Taliyahaasi ku toogtay gudaha magaaladda Gabiley oo la doonayay in lagu xidho. Maayarku waxa uu intaas ku daray in gacanta lagu dhigay askarigaasi
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay gacanta ku hayaan isla markaana sharciga la horgeyn doono, waxaanu tilmaamay in isla maantaba-ba ay maxkamadda ciidammadda qalabka sidaa u fadhiisatay gudo-galka dilkan.

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo ciidanka Booliska Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida sarkaalkan la dilay Marxuum- Cabdi Ismaaciil Cali(Cabdi Case), waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisii iyo ciidanka Booliska ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.Geesta kale Taliyaha dhintay ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasi doonaa magaaladda Hargeysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *