Somaliland: Shirkadda Fly Dubai oo Duulimaadyo Ka bilaabaysa Somaliland

Shirkadda duulimaadyada fadhigeedu yahay Dubai ee Fly Dubai, ayaa ku dhawaaqday in ay saddex khad oo cusub ay ka bilaabayso saddex dal oo ay ku jirto Somaliland, horaanta sannadka cusub.

Saddexdan duulimaad ee cusub ayaa kala noqon doona Hargeysa (Somaliland), Chenna (India) iyo Nejran (Sacuudi Carabiya), waxaanay ku biiri doonaan duulimaadyada goobaha shirkaddu caga dhigto oo gaadhaya 89 madaar oo ku baahsan 46 dal.

Fly Dubai waxa ay laga bilaabo 5 ta maaris keeni doonta xamaaladdii ugu horaysay ee ka howlgasha Hargeysa, waxaanay samaynaysaa duulimaadyo afar ah oo toddobaadle ah.

Fly Dubai ayaa ku baahisay duulimaadyadeeda Afrika 13 goobood sannadka 2014 oo ay u kala gooshayaan 60 duulimaad oo toddobaadle ah.

Xamad ObIaIdalla oo ah jiif saraalka ganacsiga u qaabilsan oo ka faaloonaya hormada cusub ee duulimaadyada ayaa yidhi “sannadka 2014 waxa uu ahaa sannad ay mashquul ahayd Fly Dubai oo ay ku dhawaaqday 26 khad oo cusub tan iyo January, isla markaana waxa ay keensanaysaa siddeed dayuuradood oo hor leh si ay u taageeraan qorsheyaasha koritaan. Waxa aanu aad ula dhacsan nahay fursadaha dihin ee ka soo baxaya suuqyada Afrika”.

Fly Dubai waxay leedahay dayaarado cusub oo dhan 43 ah new generation Boeing 737 – 800, waxaanay sameeyaan duulimaadyo ka badan 1,200 oo duulimaad wiigii oo ay ugu kala gooshaan Middle East, GCC, Afrika, Caucasus, Central Asia, Yurub iyo Indian Subcontinent.

flydubai waxay ku hawl-gali doontaa afar duulimaad toddobaadkiiba oo u dhexeeya Hargeysa illaa Dubai laga bilaabo 05 March 2015.

Qiimaha tigidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class ka baxaysa Hargeysa waxaa lagu bilaabayaa USD575 oo lagu ogol yahay 20 kiilo alaab la hubiyay ah, meeshi ay qiimaha tigidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Business Class waxaa lagu bilaabaya USD1,900 taas oo ku jirta dhammaan cashuuraha iyo alaab 40 kiilo ah oo lagu ogol yahay.

flydubai waxay bixinaysaa tigidhada ugu horreysa ee heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class oo ah USD549 taasi oo dhaqan galaysa intii u dhexeeysa 10 December 2014 ilaa 10-ka January 2015.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *