Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eedo Puntland U Jeedisay

Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay maamul goboleedka Puntland, oo sheegayay in marakabkii hubka siday ee lagu qabtay dekadda Berbera loo gudbinayo Kooxda Al-shabaab.

Wasiir Ku xigeenka Amniga ee wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Cilmi, ayaa sheegay in eedaha Puntland ka soo yeedhay ay yihiin qaar been abuur ah oo ay ka muuqatay masuuliyad darro.
“Hadalkii Wasiirka Amniga Puntland waxa uu ahaa mid deel-qaaf ah oo iyo been abuur ah, Somaliland wax xidhiidha ah lama laha AL-SHABAAB, ”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi oo caawa u waramayay laanta afsoomaaliga ee VOA.

“Maamul goboleedka Puntland waxaanu leenahay warka aan jirin ee cunfiga abuuraya ka waantooba, sida uu u hadlay Wasiirka amniga Puntland-na ma ah af masuul,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenku.
Wasiir Ku xigeenku waxa uu ku dooday “Puntland naguma dherersan karto oo waa maamul goboleed, Aniga way naga go’an tahay inaanu nabad-gelyo kula noolaanno jaarkayaga.”

“Markabkan hubka ah Somaliland ayaa qabatay, haddii ay aanu wax u jeedno waanu qarsan lahayn, inta aanu ogaanayno cida leh hubkan waanu haynaynaa,”ayuu intaas raaciyay Wasiir Ku xigeenku.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *