Somaliland: Munaasibadda Ciida oo Si weyn Looga Oogay Goboladda Somaliland Oo Dhan

Hargeisa (Codka Somaliland) -Waxa guud ahaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland oo dhan maanta si weyn looga oogay munaasibadda ciidul adxa, iyadoo masuuliyiinta dawladda iyo axsaabta mucaaridka ahi ay shacbiga u jeediyeen dhambaal hambalyo ah oo ay ku bogaadiyeen shacbiga iyo guud ahaanba shucuubta islaamka farxadda munaasibadda ciidul axda.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen Wasiirro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumaddiisa ayaa saaka kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa salaadii ciida kula tukaday masjid jaamaca weyn ee magaaladda Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu hadal kooban oo uu ujeediyay dadweynaha uu ku hambalyeeyay munaasibadda ciidul adxa, waxaanu tilmaamay inuu sanadkan sanadkiisa u rajaynayo inay guul iyo horumar ku gaadhaan.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu shacbiga ugu baaqay inay ilaashadaan wada jirkooda isla markaana ay indho dheer u lahaadaan adkaynta ammaanka dalka.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga caasimadda kula tukaday garoonka weyn ee Hargeysa Stadium, waxaanu dhambaalka hambalyadda ah ee ku wajahan munaasibaddan ciida uu ku booriyay dadweynaha inay xukuumadda kala shaqeeyaan dhinaca horumarinta isla markaana ay ilaashadaan nabad-gelyadooda iyo qaranimadoodaba.
SAM_4205

SAM_4236

Waxa kale oo saaka salaadii ciida dadweynuhu ku oogeen masaajidada iyo garoomadda ciyaaraha, iyagoo wejiyadooda farxad weyni ka muuqatay ayay iskugu hambalyaynayeen munaasibaddan weyn.

Geesta kalena sida ay ku soo waramayaan weriyeyaal ku kala sugan magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa sheegaya in si weyn looga ciiday gobolada kale ee dalka oo ay ka mid yihiin Boorame, Saylac, Berbera,Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Gabiley, Caynabo, Bali-gubadle, Sallaxley iyo kuwo kaleba.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *