Somaliland: Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga ka tacsiyadeeyay Sarkaalkii Lagu Dilay Gabiley

Hargeysa (Wargane)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amar ku bixiyay in deg-deg sharciga loo horgeeyo askarigii maanta toogashada ku dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Arabsiyo Marxuum- Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case).

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in ciidammadda qalabka sida ee dalku u taagan yihiin sharafta iyo haybadda qaranka, cidii dhaawacda ama dishaana ay ku xad-gudubtay sharaftii qaranka,waxaanu madaxweynaha Somaliland sidaasi ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu galabta soo saaray oo uu qoyskii, qaraabadii, ciidanka booliska iyo shacbiga Somaliland-ba kaga tacsiyadeeyay dilka sarkaalkaas geeriyooday.

Dhambaalkan tacsida ahaa oo uu na soo gaadhsiiyay Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay askari ka mida ciidamadii uu xukumayey ee Saldhiga Arabsiyo, kaasi oo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybada qaranka, cid kasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *