Somaliland: Madaxweynaha Oo Shacbiga Ku Bogaadiyay Munaasibadda Ciidul Adxaha

Hargeysa (Codka Somaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland iyo dunida muslimka oo uu ku bogaadiyay munaasibadda ciidul adxaha darteed.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una dinbi dhaafo.Aamiin Aamiin Aamiin. Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *