Somaliland: Madaxweynaha Oo Mar labaad Dib Ugu Soo Celiyay WADDANI Xubintoodii Komishanka

Hargeysa (Codka Dadka)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dib ugu celiyay xubintii ay u soo magacaabeen komishanka doorashooyinka qaranka oo ay u magacaabeen Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Madaxweynuhu waxa uu xisbiga WADDANI u soo jeediyay inay dib u soo xulaan xubin kale, ka dib markii uu sheegay inuu xubintaasi buuxin wayday shuruudihii xeerarku tilmaamayeen ee laga doonayay xubnaha komishanka doorashooyinka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa lagu faahfaahiyay dib u celinta xubintaasi, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XMW/0092814/102014, uu dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Ujeeddo Madaxweye: Dib-u-soo Xulid, Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudane Guddoomiye,

Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahay XIS/WAD/XDH/165-2014, kuna taariikhaysan 02/10/2014, ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxday Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahay Xisbiga WADDANI.

Sidaas darteed Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rajaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha Xeer Lr.20/2001 uu tilmaamay.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *