Somaliland: Madaxweynaha Oo Ciidanka Xeebaha Tababar Ugu Xidhay Markab Dagaal oo Ingiriisku leeyahay

Hargeysa (Codka Somaliland)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta tababar heerkiisu sareeyo ugu soo xidhay markab dagaal oo ciidammadda Ingiriisku leeyihiin oo la yidhaahdo CARDIGAN BAY xeebta Berbera cutub ka tirsan ciidammadda ilaalada xeebaha tababar lagu siiyay naakhuudenimadda doonyaha dagaalka iyo guud ahaan ilaalada xeebaha oo ay bixinayeen sarkiil British ah oo saarnaa markabkaasi.

Tababarkan oo socday muddo laba toddobaad ah waa markii saddexaad ee ciidammadda badaha ee Ingiriisku ay siiyaan ciidammadda xeebaha Somaliland, waxaana madaxweynaha kala qeyb galay xafladaasi Wasiirrada Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera, Taliyeyaasha ciidammadda qalabka sida.

Waxa dawladda Ingiriiskana ka socday saraakiil ka tirsan ciidammadda xeebaha iyo danjiraha u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo isagu shalay socdaal ku yimid Hargeysa.

DSC_0454

DSC_0450

berbera

DSC_0125




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *