Somaliland: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Uu Weheliyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladu Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani C/Raxmaan Maxmed C/laahi Cirro oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markuu ka qayb galay xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia oo loo yaqaano GINBOOD.

Socdaalkani waxa ku wahelinayey Gudoomiye ku Xigeenka golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Cadde iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyey gagiga diyaaradaha ee cigaal airport waxaana si diiran u soo dhaweeyey Qaybo ka mid ah tageerayaasha xisbiga Waddani xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo dad-weyne kale.

Gudoomiyaha iy ku-xigeenkiisa ayaa marti qaad rasmi ah ka helay dawlada Ethiopia kuwaasi oo xuska ka dib kulano kala duwan la qaatay dhigooda dalka Ethiopia kuwaasi oo ka wada hadlay arimo badan oo ay ka mid ahayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Geesta kale Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland C/Raxmaan Maxmed C/laahi Cirro waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Ku Xigeenka dalka ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia,iyo ufuud ka tirsan Dawlada Ethioapia.

Gudoomiye yaasha oo markii ay soo gaadheen Gagiga Diyaaradaha ee Cigaal Interanational airport oo warfidiyeenada kula hadlay qolka nasashada ee madaaraka kuwaasi oo ka xaal waramay meeqaamkii loo soo dhaweeyey iyo waliba shirarkii kala duwanaa ee ay halkaasi ku soo qaateen.

Ugu horayntii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka golaha wakiilada Somaliland baashe Maxamed Faarax Cadde waxaanu sheegay in uu ku farax san yahay in uu mar labaad dib ugu soo laabto dalkiisii isagoo nabad qaba waxa kale oo  uu intaasi ku daray in ay ka qayb galeen shirar kala duwan oo ay la yeesheen madax kala duwan oo dalal kala duwan ka tirsan.

Gaba gabadii waxa halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland C/Raxmaan Maxmed C/laahi Cirro kaasi oo sheegay in ay ka qayb galeen xuska qoomiyadaha Dalka Ethiopia waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, Munaasibadaasi oo ah maalin aad  loo weyneeyo oo ay ka soo qayb galaan madaxda qaranka dawlada Ethiopia iyo kililaduba waxa kale oo lagu marti qaadaa wadamada kale ee ay jaarka yihiin sanadkani waxa lagu qabtay gobol fog oo xududka Ethiopia iyo sudaan u dhaxeeya oo binu Shungul la idhaahdo waa meesha laga dhisayo dhaamka weyn ama biyo xidheenka weyn ee dalka Ethiopia  ee hada wado waxa ka soo qayb galay madax badan oo ka mid yahay madaxweynaha jabuuti iyo madaxweynaha suudaan raysal baarlamyaal faro badan masuuliyiin kale oo faro badan safaaradaha jooga addis ababa dhamaantood way ka soo qayb galeen, Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/Raxmaan Maxmed C/laahi Cirro.

Labada Gudoomiye ayaa in mudo ah ku maqnaa dalka Ethiopia kuwaasi oo ay si weyn uga qayb galeen Xuska Qoomiyadaha dalka Ethiopia oo sanad kasta lagu qabto deegaamo kala duwan oo dalkaasi ka mid ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *