Somaliland: “Gudida Go’aanka soo saarey waxay Majara Habaabiyeen Hadafkii ay lahayd Beeshu, waxayna Galeen Hawl aan loo diran” Dhalinyarada Sacad Muuse.

Dhalinyarada Beesha Sacad Muuse oo Daadifeeyey Garabka ka Mid ah Gudidii Horu Marinta Beesha Sacad Muuse ee Soo saaray Go’aamada, Dhalinyadaradan oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul u dhaleeceeyey Go’aamadaasi waxayna sheegeen inay Gudaasi Fashilmeen Madaama oo ay Galeen Hawlo ka Baxsan Shaqadii loo Ig maday.

Dhalinyaradan ayaa sheegay in Gudida shaqadoodu ku koobnay Horu marinta Beesha balse ee Siyaasadii Dalka Faraha la galeen oo dhex keeneen Arimihii Reerka waxaana hadalada ka mid ahaa “Waxaanu halkan kaga hadlaynaa Gudidii Horu marinta Sacad Musee ee Soo saaray Go’aamo ay ku wataan Musharax Gudidu waxay ahayd mid loo doortay Horu marka Beesha Sacad Muuse, markaa waxaanu ku haysanaa inay ka weecdeen dariiqii loo doortay oo ay kuu mash quuleen Siyaasad iyo inay Beesha dhex deeda ay Madaxa isku Galiyaan, Gudidani waxay shaqaynayeen iilaa laba Sano Maalin kaliyana Horu mar maysoo qaadin talaabadii ugu horeysay ee ay qaadaan waxay noqotay inay Beesh dhexdeeda isku diraan”ayey yidhaahdeen.
Dhalinyaradda oo Hadalkooda sii wata ayaa waxay yidhaahdeen. “Runtii Gudidaa uu hogaaminaya Suldaanku waxay ka leexdee Ujeedadii loo Doortay waxay ahaayeen Gudi ka balaadhan inay shaqsi la yimaadaan, mida kale shaqsiga ay Xulanayaan maba aha shaqadooda, taasi waxay u taalaa Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, musharixiinta tartamayaana uma tartamayaan beel ee waxay u tar tamayaan Somaliland, Gudida garabkaa ka mid ka ah ee Go’aanka soo saarey waxay Majara Habaabiyeen Hadafkii ay lahayd Beeshu”.
Dhanka kale waxay dhalinyaradani sheegeen in Mushariinta Xisbiga Kulmiye aanay Reer kaliya u musharax ahayn ee ay Qaranka Somaliland Musharixiin u yihiid waxayna gudaasi u soo Jeediyeen inay Faraha kala baxaan oo ka shaqeeyaan Hawlaha Horumarinta Bulsho Weynta Sacad Muuse.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *