Somaliland: Gabadhii u Horreysay ee G Maroodi-jeex oo Shaacisay Murrashaxnimadeeda Doorashada Wakiillada

Hargeysa (Codka Somaliland) – Hibaad Maxamuud Huriye oo ah gabadh dhallinyaro aqoonyahan ah, ayaa shaacisay inay u sharraxantahay tartanka doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee Gobalka Maroodi-jeex ee lagu wado inay qabsoonto sannadka 2015-ka.

Marwo Hibaad Maxamuud Huriye, ayaa sheegtay inay ka qaybgalayso tartanka doorashada Golaha Wakiillada si ay uga mid noqoto dhiig cusub oo ka qaybqaata horumarka dalka hiigsanayo, iyadoo noqonaysa haweenaydii u horreysay ee ka qaybgalka doorashada Golaha Wakiillada kaga dhawaaqda Gobalka Maroodi-jeex inta la ogyahay.

War-saxaafadeed ay Hibaad Maxamuud Huriye ku shaacisay murrashaxnimadeed tartanka doorashada aqalka Wakiillada oo ay warbaahinta soo gaadhsiisay waxa uu u dhignaa sidan;

“Anigoo magacaygu yahay Hibaad Maxamuud Huriye, kana mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ee Somaliland, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18/10/2014-ka halkan ka caddaynayaa in aan ahay murrashax u tartami doona doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex ee qabsoomideedu u qorshaysan tahay sannadka 2015-ka.

Go’aankan waxaan u qaatay si aan uga mid noqdo dhiig cusub oo waxtar iyo horumarba intii awooddayda ah gaadhsiiya Somaliland haddii aan ku guulaysto tartanka murrashaxnimadayda Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana aan hormood ugu noqdo haweenwaynaha dalka inay ku dhiirradaan tartanka, dhexdoodana iska taageeraan.

Ugu dambayntii, waxaan ku faraxsanahay in aan noqdo gabadhii u horreysay ee hankeeda murrashaxnimada tartanka Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex ku dhawaaqda. Anigoo Alle ka baryaya inuu ugu guuleeyo, shacabkana waydiisanaya inay ugu taageeraan.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *