Somaliland: Askartii Ku Eedaysnayd Dilkii Saraakiisha QorilugudOo Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland Xukunno Ku Riday

Hargeysa(Codka Somaliland) Maxakamadda Ciidanka Qaranka ee Derajada 1-aad ee Gobolada galbeedka, ayaa Xukunno xadhig iyo dil iskugu jira ku riday Askarigii dilka  taliyeyaasha geystay oo  aan la hayn iyo  xubno  ciidanka qaranka ka mid ahaa ku eedysnaa in ay gacan ku siiyeen fulinta dilka labada sarkaal.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland ee Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmarke, ayaa maanta ku dhawaaqay Xukunka ka dib markii todobaadkan ay socotay dacwadoodu.

 

Gudoomiyaha oo ku dhawaaqaya Xukunnadda ayaa yidhi:-

 

  1. Gacan ku dhiigle Faarax Maxamed Ismaaciil waxay Maxakamaddu ku xukuntay Dil

 

  1. Laba Xadhigle Carraale Muuse Cabdi oo lahaa Heeganka Xerada Dilku ka dhacay Toddoba sano oo xadhig milatari ah.

 

 

 

  1. Dable Cabdi Cawal Maxamed oo ahaa kamaan-boostihii waardiyaha ahaa sideed sano oo xadhig Milatari ah

 

  1. Dable Faarax C/laahi Maxamed oo ahaa Askarigii qorigiisa Dilka lagu fuliyey shan iyo toban sano oo xabsi Milatari ah

 

  1. Dable Khadar Xasan Ismaaciil waa Askarigii silsilada ka furay gacan ku dhiiglaha oo maxbuus ahaa ka hor intaanu Dilka geysan waxaana lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Milatari ah Hase yeeshee waxa ay Maxkamadda Ciidanku xorriyadiisa u celisay Dable Khadar Axmed cawil kadib markii Danbi lagu caddeyn waayey, halka Gacan ku dhiiglaha oo maqan ay kaga xukuntay Dil.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *