Somaliland: Akhri “Suldaan Xasan Intan Uu Saldanada Hayay Waa Markii Afraad Ee Uu Tuuro Cumaamada,Waa Inan Yare Waa In Haddana Cumaamada Dib U Saarno Ayaan Leeyahay”.

Wasiirkii hore ee wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md Ismaaciil Aadan Cismaan islamarkaana Gudoomiyihii Xisbigii Tartanka ku hadhay ee Dalsan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa raggii qabtay shirkii Hoodaale ee Gudidan buuqa keentay lagu soo doortay,waxa uu ka markhaati kacay in gudidaasi aan loogu talo galin inay faro galiyaan wax siyaasad ah,waxa uu beeshiisa Sacad Muuse ugu baaqay inay doortaan nin aan magacooda dilin oo bulshada ay wada nool yihiin sharaf iyo maamuus ku dhex leh,waxa uu sidoo kale suldaanka guud ee Subayr Awal Suldaan Xasan(xasan Gudi) ugu baaqay inuu dhawro karaamada cumaamada loo dhiibay waxaanu ku sifeeyay inan yar oo markii shanaad ay cumaadu ka dhacday balse waxa uu soo jeediyay in dib loogu tuuro degtiisa isagoo ku eedeeyay inuu dhib u horseeday Beesha Sacad Muuse.

Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa waxa uu hadalkan ka jeediyay kulan balaadhan oo shalay toban kun oo beeshiisa ahi iskugu yimaadeen Hoteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo lagu taageerayay Murashaxnimada Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha dibada Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo hankooda hore u iclaamiya sheegayna inay xisbiga kulmiye iska dhex sharaxayaan Axmed Siilaanyo dabadii.
Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa weeyi inaada tidhaahdaan Ilaahaw ka wanaagsan noo door weeyi,oo ilaahay waydiisataan inuu idiinka dhigo hogaan kaa fiican ee magaca wanaagsan idiin keenaya,waayo hadii mid aan magac wanaagsnayn la doorto magaciinana wuu dilayaa dhibaatana way idiinku iminaysaa,waxaan Ilaahay mar labaad ka baryayaa oo aan idinkana idin leeyahay faataxada u mara raggaasi shan sanadood kadib tartamayaa Ilaahay kii u wanaagsan ee Dadkiisa,dalkiisa iyo diintiisa u wanaagsan ee umada Somaliland cadaalada ku dhiqi doona inuu guulaysto Aamiin dhaha?”.
Waxa uu ka sheekeeyay shirkii Hoodaale iyo sidii gudidan lagu soo doortay waxaana uu yidhi “intaa marka laga soo gudbo,waxa la yaableh,waar cahdigii halkuu ka dhacay, balankii halkuu ka dhacay,waxay umadi goosato ee ay go’aan ku gaadho ee Duqayti leh ee culimo leh,ee Cuqaal leh,ee salaadiin leh ee la isku ogyahay hadii ay afar nin uuni badesho ka warama,shirkii Hoodaale Sacad Muuse ayuu matalayay,halkaasi ragii horaantii tagay ee la bilaabay lana dhamaystay ayaan ka mid ahaa,waxa la yidhi waxaynu dooranaynaa Gudid aan siyaasad shaqo ku lahayn oo reer dhaqaalaha iyo horumarinta uga shaqaysa,gudidii waa la doortay,shirkaasi intii hore oo dhan wuxuu u qabsoomi lahaa siyaasiyiinteena ayaa gacanta kula jirtay oo doonayay inuu noqdo shir siyaasi ah intaasi ayuu u qabsoomi la’aa,markii la yidhi siyaasada ayaa laga saaray ayuu shirkaasi qabsoomay,waar ma beentaybaa? Gudidaasi waxa loo soo doortay gudi horumarin iyo dhaqaalayn,waanad aragtaan inaanay rag siyaasada ku shaqo leh ahayn”.
Isagoo gudida sharaxaya qaabka loo soo xulay iyo sumcada qaarkood bulshada ku dhex leeyihiin ayaa waxa uu yidhi “waxay ahaayeen ganacsatadeenii caanka ahayd ee dhaqaalaha lahayd si ay iyaguna lacagtooda wax uga bixiyaan ganacsatada kale ee ay wax ka doonayaana u aaminto,waxa lagu soo daray rag magac weyn leh oo iyaguna magacooda loogu soo joogsado,waxa lagu soo daray tiirarkii Culimadeena,si ay bulshada u wacyi galiyaan oo loogu soo joogsado,markaa balankii reerku iyo dhawaaqii lagu lagu sameeyay taasi ayuu ahaa mana baladi karaan,cod dambe shacabkii ay ka dhasheen kamay qaadanin,waa beentooda,suldaan wuxuu yidhina wax wax ka jiraan maaha”.
“suldaanka guud halkan anigu cay uga soo jeedin maayo laakiin waxaan leeyahay waxaad tahay suldaanka guud ee Habar Awal, ma tihid suldaan Sacad Muuse, mana tihid Suldaan Siciid Ismaaciil,mana tihid ku Cabdale Siciid,Suldaanka Subayr Awal ayaad tahay lagaagama fadhiyo inaad tidhaa waxaan kala saaray Sacad Muuse,waar adigu habar Awal ayaad ahayde miyaanu kan Ucid ka sharaxin Habar Awal ahayn,markaad leedahay waa lagu kala tagay miyaanad reer dhan ka tagin,maaha kii maanta sidaasi odhan lahaa wuxuu ahaa kii maanta ta guud ilaalin lahaa, Cumaamadii intan uu saldanada hayay malaha waa inan yar waa markii saddexaad iyo afraad ee uu tuuro, Cumaadana maanta dib u saara ayaan leeyahay,waayo waxaan jirin haduu qofku yidhaa go’aan ayaan ku fuliyay oo shaanbadayda ayaan ku dhuftay, sidaa darteed suldaan aan baalashiisa wadan oo aan Cuqaashiisa la soconin oon gudoomin waxa ay beeshiisu gudoonto,suldaanku waxa uu gudoomin karaa cuqaasha hoostimaadaa marka ay qaraar iyo go’aan gaadhaan ayuu gudoonsadaa,kaasi ayuu ku dhawaaqaa,kaasi ayuu fuliyaa,isagu intuu cuqaashii ka tago haduu go’aan gaadho waa hal bacaad lagu lisay”.
Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu arintan ka garnaqo maadaama oo uu yahay odaygii Xisbiga kulmiye,waxa uu yidhi “madaxweyne hadaad adigu cid la jeceshahay adiga ayaa xisbiga Kulmiye oday u ah, horeba tartan ayaa loo galayay,wataad noo wada yeedhay, waadigii yidhi gudoomiyaha u daaya Muuse Biixi,Waa looga wada hadhay oo gacmaha ayaa loo taagay oo dadkii labada gacmoodba u taagay ayaan ahaa”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *