Sirdoonka Faransiiska “Barigii Dhexe Ee Aan Naqaanay Wuu Dhamaaday”.

Paris (Raacdo.com):- Agaasimaha hey’adda sirdoonka Faransiiska Bernard Bajolet ayaa sheegaya in baragii dhexe ee la yaqaanay uu gabi ahaanba dhamaaday wuxuuna walaac xooga ka muujiyay in dib loo soo celin karo xuduudihii wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Bajolet oo shir jaraa’id oo ku saabsan sirdoonka ka jeedinayay jaamacadda George Washington ayaa yidhi “Suuriya oo ah dal la aas-aasay kadib dagaalkii Labaad ee adduunka, hada dhulkeedu wuu qeybsan yahay oo nidaamka Asad wuxuu gacanta ku hayaa qeyb yar, Kurdiyiinta ayaa haysta waqooyiga, halka dawladda Islaamiga ahna ay haysato badhtamaha.

Bajolet agaasimaha hey’adda sirdoonka Faransiiska ayaa ku xaqiijiyay shirkan lagu qabtay magaalada Washitong maalinimadii Salaasada ahayd in dalka Ciraaq ay haysato isla arintani, waxaana uu quus ka muujiyay in arinta lagu soo celiyo sidii ay horey u ahayd, isagoo ku tilmaamay wax aan macquul ahayn.

Sidooo kale Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu kalsooni-darro ka muujiyay in mandiqada bariga dhexe ay cagaheeda ku istaagto balse xaaladdu way kala duwaan doontaa ayuu yidhi Bernard Bajolet.

Shabakadda Aljazeera.net ayaa heshay muuqaal yar oo lagu baahiyay mawqica CIA-da maraykanka kaas oo ku saabsan arimaha sirdoonka, waxaana sidoo kale quus muujiyay agaasimaha sirdoonka Maraykanka oo isna ka hadlay shirkaasi.

John Brennan oo ah agaasimaha CIA-da Maraykanka ayaa isna bixiyay tilmaamo ka ag-dhaw kuwa saaxiibkiisa Faransiiska .

Brennan ayaa leh marka la fiiriyo burburka Liibiya, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen waxaa adag in la helo xukuumado dhexe iyo in hoggaamiyeyaasha dawladahaasi ay maamulaan xuduudahoodii la calaamadeeyay dagaalkii Labaad ee adduunka kadib.

Isagoo sii hadal-haya isla arrintaasi ayuu sheegay in ay mustaxiil tahay in xal laga helo awood millateri mid ka mid ah dawladahan.

John Brennan ayaa sheegaya in ay khalad tahay xiligan in la raadiyo xal kama danbays ah balse waxaa waajib ah ayuu yidhi in la qaato istiraatiijiyad cusub iyo tallaaboyin yar yar kuwaas oo kalsooni loogu abuurayo qaar ka mida dhinacyada isku haya iyo kuwa doonaya in la xalliyo dagaallada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *